Haweeney lagu toogtay koonfurta magaalada Gaalkacyo iyo maleeshiyo afduubatay wiil arday a

Haweeney lagu toogtay koonfurta magaalada Gaalkacyo iyo maleeshiyo afduubatay wiil arday ah

Koonfurta magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa waxaa maanta ka dhacay falal kala duwan oo isugu jira dil iyo afduub, iyadoo maamulka Galmudugna aysan illaa hadda ka hadlin ariimahan.Haweeney ayaa la sheegay in lagu dilay koonfurta magaalada Gaalkacyo ka dib markii uu rasaas ku furay Xildhibaan ka Tirsan Baarlamaanka uu hogaamiye Max’uud Cabdi Cilmi Tima-kalajeex oo sheegta inuu yahay madaxweynaha maamulka Galmudug, ahna garab ka horjeeda madaxweynaha mamulkaas Cabdi Qeybdiid.
 
Lama oga sababta keentay dilkan hase ahaatee ninkii fuliyey ayaa goobta ka baxsaday, iyadoo ciidamada Booliska maamulka Galmudug ay baadi goob ugu jiraan.

Dhinaca kale, maleeshiyo ka soo jeeda koonfurta Gaalkacyo ayaa afduubtay arday ka soo jeeda woqooyiga magaalada Gaalkacyo, iyagoo ka kaxeystay banaanka hore ee iskuul uu wax ka baran jiray oo ku yaalla koonfurta magaaladaas.

Wararku waxay sheegayaan in afduubkan ay geysteen maleeshiyo ku heyb ah arday kale oo dhowaan laga afduubtay woqooyiga magaaladaas kaasoo ka soo jeeda koonfurta Gaalkacyo.

Afduunkan u dambeeyey ayaa qeyb ka ah afduubyo is daba joog ah oo mudooyinkan ka jiray labada qeybood ee magaalada Gaalkacyo, waxaana illaa hadda lagu kala heystaa dad fara badan, iyadoo maamulada halkaas ka jirana ay u muuqdaan ineysan waxba ka qaban Karin.