Hoggaamiye Michel Djotodia Oo Isku Magacaabay Madaxweynaha Cusub Ee Afrikada Dhexe.

Hoggaamiye Michel Djotodia Oo Isku Magacaabay Madaxweynaha Cusub Ee Afrikada Dhexe.

.

somalimemo.net

Hargaysa(SM)Xoogaga Mucaaradka wadanka Afrikada dhexe ayaa ku dhawaaqay in ay soo dhisayaan xukuumad cusub maalin kadib markii ay la wareegeen gacan ku heynta magaalada caasimadda ah ee Bangi.

Hogaamiyaha xoogaga fallaagada ah Michel Djotodia ayaa iclaamiyay in uu bedelay madaxweynihii la Afgambiyay Ee Francia Buzaze,isagoo saxaafadda kula hadlayay magaalada caasimadda ah ayaa amar kusiiyay ciidankii hore ee dowladda in ay shaqadooda dib ugusoo laabtaan.

Michel Djotodia wuxuu sheegay in uu cafis u fidiyay ciidanka booliska iyo Taraafikada ayna shaqadooda dib u bilaabi karaan sidoo kale wuxuu ku hanjabay in maxkamad Milleteri lasoo taagi doono qaar katirsan golihii wasiirada iyo Generaaladii taabacsanaa madaxweynihii hore Bozaze.

Boob iyo dhac ay geysanayaan xoogaga jabhadda Sileka,goob joogayaal ku sugan magaalada caasimadda ah ayaa sheegay in lajabsaday Bankiyo iyo shirkado ganacsi oo ay leeyihiin ehelada madaxweynihii hore.

Dhinaca kale Ururka Midowga Afrika ayaa ku dhawaaqay in uu Jamhuuriyadda Afrikada dhexe ka joojiyay xubin-nimadii AU,Afhayeen u hadlay Midowga Afrika wuxuu sheegay in qawaaniinta Midowga Afrika ay dhigayaan in aan la aqoonsan dal inqilaab Milleteri ka dhacay.

Salaanmedia/Hargaysa