Ilaalada Madaxweynihii hore ee Maraykanka George W Bush oo toogan gaadhay Madaxweynaha dalka Iraan Maxamuud Axmedinajaad.

Ciidamada ilaalada madaxweynaha dalka Maraykanka ee loo yaqaan Secret Seriviceka ayaa rasaas si kama ah ugu furay madaxweynaha dalka Iraan Maxamuud Axmedinajaad mar uu gaadhigiisa diblumaasiga ah uu sii korayey waa sida lagu sheegay buug cusub oo lagumagacaabo Deep State: Inside the Government Secrecy Industry oo ay wada qoreen laba nin oo lakala yidhaah Marc Ambinder iyo D.B. Grady buugooda oo dhawaan soo baxay ayey dhacdadan ku sheegeen inay ka dhacday hoteelka InterContinental hortiisa oo ku yaala magaalada New York ee dalka Maraykanka markay taarikhdu ahayd bishii sagalaad (September) sanadkii 2006 mar uu u yimid Axmedinajaad kulan ay iskugu timid Qaramada Midowday (UN) oo lagaga hadlayey cunqabatayn lagu soo ragayey dalkiisa Iraan.

anajad and bush

 

Mid ka mid ah ilaalada madaxtooyada Maraykanka ayaa qori babuur ku rakibnaa oo ay ilaalada lahayeen oo nooca Shot Gunka loo yaqaan oo ku wajahanaa dhanka Madaxweynaha Iraan Axmedinajaad ayaa si kama ah ugu furay rasaas markii uu sii korayey Madaxweynuhu babuurkii lagu qaadayey iyadoo ay xabadii ay dhinac martay oo aanay cidna waxyelo u gaysan. Dhacdadan ayaa lagu qoray diwaanka (Memo) ee Ilaalada loo yaqaan Secret Serviceku leyihiin, diwaankan oo lagu qoro dhacdooyinka iyo shilalka lasoo food yeesha cidankooda ilaalada.

Diwaanka (Memo) ayey ku qornayd in markii ay xabadii qaraxday ay cid waliba istaagtay oo ay isi soo eegeen Iraanidii iyo Ilaaladii Maraykanka ahayd iyadoo uu madaxweyne Axmedinajaad wax hadal ahi aanay kasoo bixin oo uu babuurkiisii iska galay sidii aanay waxba aanay dhicin oo kale.

Axmadinajaad
Axmadinajaad

Dawalada Maraykanka oo uu Mr Bush markaa madaxweyne u ahaa ayaa ka walaacsanaa in uu Madaxweyne Axmedinajaad uu ku tilmaamo dhacdodaasi inay ahayd isku day lagu khaarijiinlahaa lakin aanay Iraan iyo madaxweyneheedu waxba kasoo qaadin. Labada dale ee Maraykanka iyo Iraan aya kadhexeeya xamaasad ka taagan dalka Iraan oo rabta inay samaysato maadada Nukliyeerka oo ay leedahay cilmi baadhis caafimaad iyo laydhka korontada ayaanu u samaysanaynaa nukliyeerka; Maraykanka aay ku andacoonaya inay ujeedada Iraan ay tahay inay qumbulad nukliyeer ah rabto inay samaysato Iraan; taaso hadidaysa amaanka wadanka Maraykanka iyo Isra’iil oo ay Maraykanka xulufo yihiin.

 

Kala Soco halkan: http://www.dailymail.co.uk/news/article-2296773/How-U-S-Secret-Service-shot-Iranian-President-Mahmoud-Ahmadinejad-United-Nations-gathering.html

 

 

Warsame Siciid Jawaan

Salaan Media UK

info@salaanmedia.com