Laantii Xisbiga Wadani Ee Denmark Oo Si Rasmi Ah Loogu Dhawaaqay

Copenhagen: Taageerayaasha xisbiga Wadani ee ku dhaqan dalka Denmark ayaa shalay oo Taariihkdu ahayd 29/03/2013 si rasmiya u furay laantii Xisbiga Wadani ee dalka Denmark. Dadweyne faro badan oo ka soo qaybgalay furitaankii laanta Xisbiga ayaa si kal iyo laab ah oo kal-gacayl iyo Farxadi ku dheehantay ku soo dhaweeyey  Munaasibada.

Copenhagen oo ah Caasimida Dalka Denmark ayaa laga furay Xarunta Xisbiga laantiisa Denmark, waxaana si toosa ugu soo xidhmaaya Taageerayaasha Xisbiga ee ku kala nool Gobolada iyo Demooyinka dalka.

Gudoomiyaha Xisbiga Wadani isla markaana ah Gudoomiyaha golaha Wakiilda Somaliland Mudane Abdirahman Mohamed Abdillahi (Ciro) oo bookhasho rasmiya ku yimi dalka Denmark bishii June 2012-kii iyo taageerayaasha Xisbiga ee ku dhaqan Denmark ayaa hore isula gartay oo go’aan ku gaadhay in Xisbigu ka furto Xafiis Caasimada Denmark.

Tan iyo markaas waxa isa soo taraya taageerayassha xisbiga, iyadoo doorashadii deegaanka ka dibna ay xisbiga ku soo biireen xubno tiro badani.

Taageerayaasha Xisbiga Wadani ee reer Denmark ayaa ah Madaaleyaal Qayb-libaax ka soo qaatay ololihii doorashada Dawladaha hoose ee Xisbigu ku soo baxay.

Wadaniga Dhabta Ah Alow Dhawr.

Wadani01Wadani02Wadani03

Afhayeenka Xisbiga Wadani Laanta Denmark.
Osman Abdillahi Sool…. Freelance Journalist. sooldhuub@hotmail.com