Labada Gudoomiye ee Kulmiye iyo UCID oo ka waramay Socdaalkii Madaxweynaha ee Imaaraadka

March 28th, 2013

images

 

 

 

 

 

 

Berbera (SM):- Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe  ayaa guul ay Somaliland gaadhay ku tilmaamay safaradii  kala danbeeyay ee uu madaxwaynuhu ku tegay dalalka isu-taga Imaaraadka carabta iyo Turkiga.

Waxaanu sheegay Eng. Faysal in safaradaasi ay noqonayaan kuwo muujinaya in ay Somaliland  si buuxda ula macaamishay dawlado si aad ah ugu leh arrimaha Soomaalida isla markaana  masuuliyiinta dawladaha Imaaraadka ee uu madaxwayne Siilaanyo la kulmay  aanay hore ula kulmin madax ka socda Somaliland.

Eng. Faysal Cali Waraabe oo waxa uu sidaasi ka sheegay   hadal kooban oo uu shalay ka jeediyay qolka nasashada madaarka magaalada Berbera, halkaasi oo uu madaxwaynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo iyo weftigii uu hogaaminayay ee safarka ugu maqnaa Imaaraadka carabta oo  dalka dib ugu soo laabtay ay warbaahinta kula hadleen, Isaga oo Faysal Cali Waraabe weftiga madaxwaynaha ka soo raacay magaalada Dubaay halkaasi oo uu muddo ugu maqnaa hawlo shaqo.

Faysal Cali Waraabe oo ka hadlaya  aragtidiisa  safaradii  madaxwayne Siilaanyo ku tegay wadamada  Imaaraadka Carabta iyo kii ka horeeyay ee Turkiga, waxa uu yidhi  “safarkan uu madaxwaynuhu ku tegay Imaaraadka Carabta  iyo safarkii uu ku tegay Turkiga marka la isku daro waxaan odhan karaa  waxay ahaayeen laba safar oo qiimo leh, waxaanay  muujinayaan  laba dawladood oo arrimaha Soomaalida gacan ku leh in aynu si buuxda ula macaamilnay, oo bog cusub u  furanay ayay taasi muujinaysaa, inkasta oo xidhiidh hore jiray Somaliland iyo Imaaraadka hadana maanta heerka madaxda uu madaxwaynuhu la kulmay hore loolama kulmin, markaa waxaan u arkaa in ay tahay fursad qaali ah oo wanaagsan”. Dhinaca kale guddoomiyaha xisbiga talada haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, oo isna ka mid ahaa weftiga uu madaxwaynaha Somaliland hogaaminayay ee booqashada kaga soo noqday Imaaraadka carabta, oo isna halkaasi  hadal ka jeediyay  ayaa warbaahinta guddaha ku eedeeyay in ay warar qaldan ka faafiyeen safarka uu madaxwaynaha Somaliland ku tegay magaalada Dubaay.

Waxaanu   sheegay Muuse Biixi  in aanay waxba ka jirin wararka ay warbaahinta qaarkood ka qoreen safarka madaxwaynaha oo ay ku sheegeen in uu halkaasi u tegay si uu ula kulmo madaxwaynaha dawlada Soomaaliya. Isaga oo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi  “saxaafadu waxay aad u buun-buunisay  in u jeedada safarka weftiga madaxwaynaha ee Imaaraadka Carabta uu ahaa in  lala  hadlayo  qolada koonfureed ee  Soomaaliya, waxaan halkan ka xaqiijinayaa in aan warkaa  waxba ka jirin, halkana kagama aanaan tegin in aanu la kulano, halkaana uguma aanaan tegin wax arrintaa hadal haya, madaxda Abu dabay  nalama ay soo qaadin, mana hadal haynin, waa dhab madaxwaynaha Soomaaliya wuxuu  joogay  Qadar maantana wuu  iman karaa Imaaraadka”.

Waxaanu intaasi raaciyay  “laakiin waxaynu nahay laba dawladood iyo   laba madaxwayne oo mid walba hawsha qarankiisa iyo waajibaadkiisa uu wato, markaa waxaan doonayaa in aan arrintaa aad u cadeeyo in aanay waxba ka jirin, laakiin qoladiina warbaahintu aad ayaad arrintaa u buun-buuniseen ummadana waxaad gaadhsiiseen war qalad ah oo aanay waxba ka jirin” ayuu yidhi Muuse Biixi.

Muuse Biixi Cabdi, waxa kale oo uu sheegay  in madaxwaynaha Somaliland Md. Axmed Siilaanyo uu hore u sheegay in aanay Somaliland ka noqonaynin gooni isu-taageeda xataa haddii ay boqol sano qaadanayso, waxaanu tilmaamay in arrintaasi ay dhamaanba ummada Somaliland ka midaysan tahay mucaarid iyo muxaafidba isla markaana aan waxyaabahaasi looga shakiyi Karin  xisbiga KULMIYE iyo xukuumadiisaba. Waxaanu yidhi “madaxwaynuhu wuxuu hore u yidhi haddii ay boqol sano qaadanayso, inaga oo laba dawladood iyo laba qaran oo siman  ah oo wada hadli kara mooyee wax kale isugu iman mayno, sidii shirkii hore ayuunbaa loo tegi karaa inaga oo laba dawladood oo siman ah,  taasina ummada Somaliland ayaa ka midaysan muxaafid iyo mucaaridba, xisbiga KULMIYE iyo xukuumadiisana   waa ka go’aan arrin looga shakiyayana ma aha”.

Salaanmedia/Hargaysa