Maalqabeen Ruusha oo isagoo Meyda laga helay Gurigiisa oo ku yaala UK.

Maalqabeen Ruusha oo isagoo Meyda laga helay Gurigiisa oo ku yaala UK.

Russian exile Boris Berezovsky has been found dead at his home in Surrey, aged 67

Axad 24.3.13 (SM)Maalqabeen Ruusha oo aad looga yaqaan dalka ruushka ayaa isagoo meyda laga helay guri uu ku lahaa agagaarka London. Boris Berezovsky, oo ay mar saaxiibo dhow ahaan jireen madaxweyne Putin ayaa mudooyinkii u dambeeyey ku noolaa UK, kadib markii ay col-daahii go’ay noqdeen ninkii ay saaxiibada ahayeen ee Putin.

Boris ayaa in mudo ah ay soo food saartay dhaqaale xumo kadib markii uu ku guul dareestay dacwad uu la galay maalqabeenka ay isku dalka kasoo jeedaan ee Abrahamovich ee iska leh kooxda Chelsea.

Bors Berezovsky ayaa mudooyinkii u dambeeyey u banbaxay mucaaradnimo uu si ba’an uga soo horjeedo xukuumada ruushka ee uu hogaamiyo Vladamir Putin. Dhowr iskuday dil ayuu ka badbaaday oo mid ka mida gaadhigiisa loogu xidhay bam.

Booliska Thames Valley ayaa durba baadhitaan xoogleh ku bilaabay geerida Boris, waxaana looga shaki qabaa in Sirdoonka Ruushku ay khaarijiyeen sidii hada ka hor ay u dileen ninkii hore uga tirsanaan jiray haayada Sirdoonka ee ruushka, Alexander Litvinenko.

by Sammo Cumar Aadan