Madaxweynaha Somaliland Oo Cisbitaal Ku Yaala Imaaraadka Ku Booqday Maayarka Hargeysa

March 26th, 2013 Comments Off

Dubai (SM)- Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftigii uu Hoggaaminayay ee socdaalka shaqo ku jooga wadanka Imaaraadka carabta ayaa saaka cisbitaalka Jaziira ee magaalada Abudubai ku Booqday Maayarka Caasimadda Hargeysa Eng. Yuusuf Warsame Siciid oo labadii bilood ee u dambeeyay ku jiray cisbitaalkaasi oo lagu dawaynayay.

Madaxweynaha waxa booqashadan ku wehelinayay marwadda Koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Waris Sh. Maxamed Jirde, xubno ka mid ah weftigii Madaxweynaha Iyo Guddoomiyaha DAWAN Media Group Mudane Maxamed Cismaan Mirre (Sayid) oo isaguna socdaal ku jooga dalkaasi.

Maayarka Caasimadda Hargeysa Eng. Yuusuf Warsame Siciid ayaa Madaxweynaha uga mahad celiyay siyaarada uu ugu yimid, waxaanu sheegay inuu aad ugu farxay Booqashadda weftiga madaxweynuhu ay ugu soo booqdeen waadhka uu ku jiro.

Maayarku waxa uu sheegay in xaaladiisa caafimaad wanaagsan tahay, isla markaana uu ka baxay waadhkii hore oo uu hadda ku nasanayo mid ka mid ah waadhadhka lagu baxnaaniyo bukaanka.

Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa sheegay in ILAAHAY uga baryayo inuu shaafiyo, si uu dib ugu bilaabo shaqadii uu u hayay qaranka Somaliland ee Maamulka caasimadda iyo Guddoomiyaha Golaha deegaanka Hargeysa.

Salaanmedia/Hargaysa