Madaxweynaha Somaliland Oo Tacsi u diray qoyskii uu ka geeriyooday Xildhibaan Aadan Sanweyne

March 31st, 2013 Comments Off

Hargeysa (SM)-Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi Tiiraanyo leh u dirayaa Golaha Guurtida JSL, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Guud ahaan Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay ALLE ha u naxariisteeMARXUUM, XILDHIBAAN AADAN SHIRE FAARAX (SANWEYNE), oo ka mid ahaa Golaha Guurtida JSL, oo shalay ku geeriyooday Shil ka dhashay daad qaaday gaadhigii uu saarnaa oo uu dooxa Lafa-ruug la tegay kaasi oo u dhexeeya Berbera iyo Hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumkaasi ku sifeeyey oday qaran oo ka baxay bulshada Somaliland iyo qarankaba, laguna xasuusan doono doorkii uu ka soo qaatay dib u heshiisintii iyo dib u dhiskii qaranka Somaliland.

Sidoo kale madaxweynuhu waxa uu tacsi taasi la mida u dirayaa intii ku geeriyootay shilkaasi ee la saarnayd gaadhiga xildhibaankaasi geeriyooday.