Madaxweynaha Somaliya oo kulan kula qaatey Dubai Dhaxalsuga Imaaaraaadka Maxamed Bin Zayed Al- Nahyan ahna ninka labaad ee dhinaca Gaashaandhiga

Madaxweynaha Somaliya oo kulan kula qaatey Dubai Dhaxalsuga Imaaaraaadka Maxamed Bin Zayed Al- Nahyan ahna ninka labaad ee dhinaca Gaashaandhiga

 

Sabti 30.3.13 (SM) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sh. Maxamud oo safar shaqo u jooga dalka Midowga Imaraadka Carabta ayaa caawa wuxuu la kulmay Xil Sugaha ahna Taliye K/Xigeenka Ciidamada Imaraadka Carabta HH Maxamed Bin Zayed Al- Nahyan (The Crown Prince).Kulankan ka dhex dhacay labada masuul ayaa waxaa looga hadlay amniga, horumarka, dib-u-heshiisiinta iyo xiriirka labada dal.

Raisul Wasaare ku Xigeenka ahna Wasiirka Arimaha Dibadda Marwo Fowzia Yusuf Xaaji Adam, Wasiirka Maaliyadda Maxamud Xassan Suleymaan,Wasiirul Dowlaha Madaxtooyadda Mudane Faarax Sh. Cabdulqaadir, Wasiirul Dowlaha Wasaaradda Arimaha Dibadda Mudane Maxemed Nuur Gacal iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Imaraadka mudane AbdulKadir Shiiqeey Al-Hatimi.

Shirkan ayuu Madaxweynaha wuxuu ka hadlay horumarka laga gaaray xagga amniga, iyo nabad gelyadda laga dareemayo gobollo kala duwan ee ka tirsan dalka.” Waxaan u baahanahay in aan sii hagaajino amniga, anaga oo isla markaasna dib u habeyn rasmi ah ku samyneyno hey’adaha kala duwan ee qaabilsan amniga. Ciidamadeena hadda waxaa u socda tababaro mar dhawna toos ayey u gudan doonaan wajibkooda laga sugayay.”

“Xagga horumarka, dowladda Soomaaliya waxey ku howlan tahay in ay 5 mashruuc ka her-geliso degmooyin kala duwan oo ku kala yaala goboladda dalka. Dowladda waxey dhiseysaa Xarun Caafimaad, Iskool,Xafiisyadda maamulka degmadda, Xarun Boolis, iyo Ceel si ay shacabkeena u helaan xaqooda.”
Mar uu Madaxweynaha hadlay ayuu yiri” Waxaan kaaga mahadcilinayaa taageradaa aan aan joogsiga laheyn ee aad la garab taagan tihiin shacabka Soomaaliyeed iyo dadaalkiina ku aadan dib-u- heshiisiinta.”
Isla kulankaas ayaa waxaa lagu heshiiyay in ay dowladda Imaraadka Carabta ay dib u furato Safaridii ay ku lahayeen Soomaaliya. Safaaradda Soomaaliya ee ku taalo dalka Imaraadka ayaa shaqeynaysay 22 sanno ee lasoo dhaafay.

Communication Office
Office of the Somali President
Mogadishu, Somalia