Madaxweyne Ku xigeenka oo shahaadooyin gudoonsiiyey Arday ka qalin jabisay Jaamacadda Hope.

Madaxweyne Ku xigeenka oo shahaadooyin siiyay Arday ka qalin jabisay Jaamacadda Hope

March 24th, 2013 Comments Off

Hargeysa(SM):- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), ahna Ku simaha Madaxweynaha ayaa maanta Shahaadooyin gudoonsiiyey Toban arday oo ka qalin jebiyey Degree labaad ee Jaamacadda Hope ee magaalada Hargeysa.

Xafladan ardayda shahaadooyinka lagu Gudoonsiinayey oo lagu qabtay huteel Maan-soor ee magaalada Hargaysa, wax aka soo qayb galay wasiirka wasaaradda ciyaaraha, Agaasimaha Guud ee Tac-liinta sare ee Wasaarada Wax-barashada, Madaxda Jaamacada Hope, Xildhibaano, waalidiinta ardayda qalin jabinaysay iyo dadwayne kale oo tiro badan.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan Saylici oo xafladasi ka hadlay ayaa ardayda dhamaystay shahaadada digriiga labaad ku hanbalyeeyay dadaalka ay muujiyeen muddadii ay waxbarashada ku guddo jireen, waxaanu kula dar-daarmay in cilmiga ay barteen dalkooda ay uga faa’iideeyaan isaga oo dhinaca kalena jaamacada Hope ku hanbalyeeyay heerka tacliinta Master-ta ee ay dalka ku soo kordhisay.

Waxaanu yidhi “waxaan u hanbalyaynayaa tobankan arday ee dhamaystay shahaadada Master-ta iyaga oo hawshii waalidnimo iyo shaqadii qarankaba haya hadana tacliintoodii dhamaystay, waxa kale oo aan hanbalyaynayaa jaamcada Hope oo wax cusub dalka ku soo kordhisay, aniga oo ku hanbalyaynaya dhamaanba jaamacadaha Somaliland ku yaala oo dadaal badan muujiyay hadana Digriigii labaad waxa maanta kow ka ah waa jaamacadan Hope, waxaa loo baahan yahay cilmigii aad barateen in aad dalka uga faa’iidaysaan oo dalkiina aad ku dhistaan, haddii ay tobankiinan todobada ka mid ahi horumarka barteen waxa aynu hiigsanaynaa waa horumar, markaa haddii aad horumarkii barateen waana in aad dadka bartaan horumarka, haddii khayraadkii iyo hantidii la helo bal se cidii qaban lahayd iyo sidii loo soo saari lahaa la waayo, khasaare ayaa inoogu sugnaanaya,waxaan idiin rejaynayaa in aad dalka wax badan ku soo kordhin doontaan”.

Md. C/raxmaan Saylici, waxa kale oo uu ka waramay faa’iidada uu cilmigu u leeyahay bini’aadamka iyo sida loogu baahan yahay in la helo dad aqoon leh oo khayraadka dihin ee dalkeena ku duugan soo saara, isaga oo tilmaamay in waxa qudha ee uu dal horumar ku gaadhi karaa tahay marka la helo dad aqoon leh. “waxaan qabaa dalkeenu waa dal dhismaya, waa dal u baahan aqoon, dal kasta oo dhismayaana waxa uu horumar ku gaadhaa marka uu dadkiisu aqoon yeesho, haddii aanay jirin dad aqoon leh, dal horumar ma gaadhi karo, waxaynu nahay dal curdin ah oo wax badan rejaynaya, is-bedel kala duwana rejaynaya, khayraad badan oo dihina leh, taasina waxaa ka midha dhalin kara marka laga yimaado siyaasada iyo hogaaminta waa dadka wax u bartay umaddan Somaliland” ayuu yidhi madaxwayne ku xigeenku.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), waxa kale oo uu sheegay in ay xukuumad ahaan dadaal ugu jiraan sidii khayraadka dihin ee dalka loogu heli lahaa dad khibrad iyo aqoon u leh oo soo saara si looga baxo faqriga, waxaanu yidhi “Anaguna xukuumad ahaan waxaanu dadaal ugu jirnaa sidii dalkan iyo dadkan is-bedel inoogu iman lahaa, sidii umadan horumar loogu samayn lahaa, sidii khayraadka dalka ee dihin cidkasta oo inaga aqoon badan inaga khibrad badan loogu soo jiidi lahaa, si faqriga iyo shaqo la’aanta looga baxo”.

Gudoomiyaha Jamacadda Hope Nagiib Sh.C/raxmaan,oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ka waramay sooyaalkii kala duwanaa ee ay jaamacadu soo martay, waxaanu tilmaamay in ardayda qalin jabisay ay yihiin duf-cadii labaad ee jaamacada ka qalin jebisa, kuwaas oo shahaadada Degree-ga labaad ka dhamaystay jaamacada Hope.

“Ardaydan qalin jabiyay tiradoodu waa toban, saddex ka mid ah waxay barteen international relation and deplomase, midna wuxuu bartay MBA Business, todobana waxay barteen development studies ama qaybaha kala duwan ee horumarinta bulshada, ardaydu waxay isugu jiraan qolooyin shahaadooyinka dhameeyay oo buugoodii ay qoreen iyo shahaadooyinkoodii ay halkan yaalaan iyo kuwo dheeraad sameeyay oo dhawr ah” ayuu yidhi Md. Nagiib.

Guddoomiyaha jaamacada Hope, waxa kale oo uu sheegay in dufcadii u horaysay ee qaadata shahaadada Master-ta ay jaamacadaasi ka qalin jabiyeen sanadkii hore kuwan hada qalain jabiyayna ay yihiin dufcadii labaad, waxaanu tilmaamay Md. Nagiib in ardaydaasi cilmiga ay barteen ay dalkooda iyo ummadooda uga faa’iidayn doonaan, waxaanu yidhi “sanadkii hore ayay kuwii ugu horeeyay ee shahaadada Master-ta qalin jabiyeen, kuwana waa dufcadii labaad, waxaan ku rejo waynahay in ardaydan cilimiga ay barteen laga dhaxli doono in badana ay dadka kale sii bari doonaan”.

Wasiirka Wasaaradda dhalinyarada iyo Ciyaaraha Cali Siciid Raygal, oo halkaasi ka hadlay ayaa bogaadiyey ardayda jaamacada Hope ka qalin jebiyey iyo sidoo kale maamulka iyo macalimiinta jaamacadaasi dedaalka weyn ee ay u galay sidii ay u soo saari lahaayeen arday aqoon fiican leh.

Agaasimaha Guud ee Taclinta sare khadar Axmed Diiriye oo isna halkaa ka hadlay ayaa ka waramay dedaalka dhinaca wax-barashada ee dalka ka socda sanahan danbe, waxaanu tilmaamay in ay ardayda u fududaatay isla markaana u suurta gashay in iyaga oo dalkooda jooga ay qaataan shahaadada Degree-ga labaad ee Jaamacadda.

Dhinaca Kale Waxa isna halkaasi ka hadlay Xildhibaan Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo ka mid ah muddaneyaasha golaha wakiilada, isaga oo ku dheeraaday qiimaha uu cilmigu u leeyahay nolosha aadamaha, waxaanu ku amaanay maamulka jaamacada Hope kaalinta ay kaga jiraan horumarka waxbarashada dalka.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa