Madaxweyne Siilaanyo iyo waftigii la socday oo dalka kusoo guryo noqday

164223_368397829940743_2120180121_n

 

Berbera (SM) Mar 27,2013 – Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftigisii, ayaa goor dhawayd ka soo degay madaarka diyaaradaha ee Magaalada Berbera.

Madaxwaynaha Somaliland iyo weftigiisa, oo ka soo laabtay safar shaqo oo ay ku tageen dalka Imaaraadka Carabta, ayaa waxa soo noqoshadooda ku wehelinayey Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo ka soo raacay dalka Imaaraadka.

Madaxwaynaha Somaliland Md Siilaanyo oo markii uu ka soo degay madaarka diyaaradaha Berbera qolka nasashada ugu waramay waxyaabaha ay kala soo kulmeen dawlada Imaaraadka oo ay la kulmeen masuuliyiinta ugu sareysa oo uu ka mid yahay dhaxal sugaha Imaaraadka Carabta, wasiir ku xigeenka arimaha dibada iyo masuuliyiin kale, waxaanu Madaxwaynuhu sheegay in safarkaasi guul ugu soo dhamaaday isla-markaana masuuliyiintii ay la kulmeen si wanaagsan isugu afgarteen waxyaabihii ay kala hadleen.

Madaxweynaha waxa safarkiisa sida aad arkaysaan ku weheliyey Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID oo wararka la isla dhexmarayaa sheegayeen in aanu madaxweynaha wada soconin.

Warka oo dhan iyo sawiro dheeraada la socda qaybahayaga danbe.

Salaanmedia/Berbera