Madaxweyne Siilaanyo muu-diidin inuu qaabilo Gudoomiye Faysal Cali Waraabe…Xoghayaha Xisbiga UCID Axmed Aadan Ismaciil ( Kayse Gurey)

Madaxweyne Siilaanyo muu-diidin inuu qaabilo Gudoomiye Faysal Cali Waraabe…Xoghayaha Xisbiga UCID Axmed Aadan Ismaciil ( Kayse Gurey)

Salaan media_081

Waxa aan khadka telefoonka ku wareystay Axmed Aden Ismaaciil (Kayse Guray) oo ah Xoghayaha Guud ee Xisbiga Ucid oo hadda ku sugan magaaladda London oo aan dhowr su’aalood weydiiyay. Kuwaas oo ay ka mid ahaayeen sida uu a arko safarkii madaxweynaha Somaliland iyo weftigiisu ay ku yimaadaan magaaladda Abu-dabia ee dalka Imaaraadka Carabta; kulanka la sheegay in loo qorsheeyay in madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo uu la kulmaayo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamed oo hadda Qatar jooga iyo sida ay wax uga jiraan wararka sheegaayaa in madaxweyne Siilaanyo diiday in uu qaabilo Guddoomiya Xisbiga Ucid oo jooga magaaladaasi Dubai.

Jawaab..Waxa uu ku bilaabay hadalkiisa ”waad mahadsantahay Xamse.Horta arrinta safarka madaxweynaha iyo sida uu ku soo baxay Uun Alle iyo Ummadda reer Somalilandba markhaati ayay ka ahayd oo taasi waxa ay ahayd DAAHIR YAA SHAMIS. Manaha ‘protocol’, nidaam, iyo hab maamus dowladnimo toona in madaxweyne la martiqaaday oo dal kale u safraaya ay raacaan tiro xubno ah oo intaas le’eg oo ay safarka ku wehiliyaan madaxweynaha. Waxa ay ka koobnaayeen dhowr iyo toban marka lagu daro wakiilkii Somaliland ee dalka Kenya & Wasiirka Macdanta iyo Biyaha oo Abu-dabai kaga darsamay. Xamsow waxa iman doonta waqti lala xisaabtamo dadka madaxweynaha ku xeeran ee mar walba sameynaaya waxa sharaf dhac, bahdilaad, karaamo xumo ku ah madaxweynaha iyo qaranka Jamhuuriyadda Somaliland. Weliba runtii waxa ay sameynayaan waa wax inta badan ka farxiya ama ka qosliya cadowga Somaliland ee guddo iyo debedba jooga”

Su’aal…Xamsa…ma waxa aad eeda saareysaa oo aad farta ku godaysaa wasaaradda arrimaha dibedda ee Somaliland…Keyse…”iminka annigu cid gaar ah farta ku fiiqimaayo… waxaase iman doonta maalin la xisaabtamo…wasaaradda arrimaha dibeddaba waxa aynu la sugeynaa ka hadalkeeda marka dadka reer Somaliland ogaadaan in ictiraafkii muuqday laga tuuray Shaanshaan…digaagadii beedka (ukunta) ku fadhidayna 19 sanno ee aynu sugeynay in ay dilaaciso halkii beedka inta laga qaaday dhagxaanta loo dhigay”.

Mar uu ka jawaabaayay in labada madaxweyn, Somaliland & Somaaliya is arkayaana
Jawaab. waxa uu ku jawaabay. Inta aan ka warqabo wax siyaasad ah oo lagu soo qaaday kulanadii dhex maray weftiga madaxweynaha iyo dowladda Imaaraadkana ma jirin . Wadahadaladu waxa ay ku koobnaayeen oo keliya ganacsi iyo sidii loo sii xoojinta lahaa xidhiidhka ka dhexeeya labada dal, Somaliland & Imaaraadka. Madaxweynaha iyo weftigiisuna berito oo arbaca ah ayaa lagu wadaa in dalkii dub ugu laabtaa.. Xamse …miyaad wax kala socotaa mashaariicda loo ogolaaday Somaliland…Keyse…maya ee iyaga ayaynu ka sugaynaa in ay inoo sheegaan…maalintii hore waa kuwii inoo sheegay sheeko caruureedka ee yidhi “waxa nalagu yidhi ka soo eegta magaalada nooca cisbitaaladda iyo dugsiyadda aad rabtaan in dalkii la idiinka dhisoo…markaa iyaga aynu ka sugno naqshadaha kale ee la yidhi soo eegta iyo dalalka ay ka soo eeganaya.

Mar uu ka jawaabay in madaxweynahu Somaliland uu diiday in uu arko Guddoomiye Feysal oo Dubai joogana waxa uu yidhi.
Jawaab. Guddoomiye Feysal waxa uu la joogaa weftigii Somaliland magaaladda Abu Dabai markay noqoto arrin qaranna u maleynmaayo in cid ka sheegan kartaa ay jirto. Markii horena isaga oo Isniintii shalay islahaa tag ayaa weftigu ka codsaday in aanu ka tegin oo uu Abu Dabai ugu yimaado. Haddii Alle yidhaahdan berrito ayaa lagu wadaa in uu weftiga sii raaco oo dalkii u sii raaco. Diidmada madaxweynahuna maha wax jira oo madaxweynahu waxa uu madaxweyne u yahay dadka reer Somaliland oo dhan mana arko in uu guddoomiye Feysal iska daaye in qof Somalilander ah diidaayo in uu arko ama la kulmo…annigu warkaas ma hayo. Ayuu kaga baxay hadalkiisii.
Aad ayaan ugu mahadnaqayaa sida wacan ee uu su’aalaha iiga jawaabay,waxaanan filayaa in hadalada la isla dhexmaraayo uu Xoghayahu si wacan iiga jawaabay.

 

Waraysi qaade

Xamse Axmed Salaan
www.salaanmedia.com
London