Horumarka shacabka Soomalida UK….Maxaad kala socotaa xarumaha Baseerah Training Centre London iyo Sheekh Cabdilaahi Cisman

 London,25.3.13 (SM) Baseerah Training Centre London waa xarumo  ku kala yaala xaafaddaha Southall iyo Neasden  ee Galbeedka magaaladda London, Waa Madarisad caruurta Soomaalida  lagu baro waxbarashada Diinta iyo ta maadigaba ahba,Sheekh Cabdilaahi Cismaan  waa guddomiyaha Madarisada waxa aan kusoo booqday xaruntiisa ku taala xaafadda Neasden si aan wax uga ogaado horumarka iyo hawlaha uu qabto.

IMG_0042

Sheekh Cabdilaahi Cismaan waxa uu xaafadda deganaa in badan aadna xogo-gaal ugu ah arimaha bulshada waxa sida aad waraysiga ku aragteen uu malcaamadda ku hayaa ilaa caruur gaadhaysa 500 kuwasoo labada xamuroodba ah, Xarunta Neasden oon soo booqday waxa ardaydu ay aad ugu faraxsan yihiin uguna dhacsan yihiin sida uu macalinkoodu ugu dedaalo, Waxa aan la sheekeystay qaar ka mid ah caruurta oo Quraanka si wacan u akhriyaaya iyo dabeecad wanaaga caruurta ka muuqata.

IMG_0151

Sida aad waraysiga ku aragtaan waxa uu ka waramayaa hawlo fara badan oo ku saabsan arimaha Bulshada iyo sidii dalkan caruurta looga bad-baadin lahaa, Waxa uu aqoon u leeyahay arimaha dalkan ka socda oo uu xidhiidh wacan la leeyahay waalidiinta oo marba wixii soo kordha uga waramo. Sheekh Cabdilaahi waxa  uu sidasoo kale kuu hayaa alaabooyin kala du-duwan oo guriga lagu isticmaalo,Islamic Books,Xawaalad  iyo  tigidhada lagu safro oo uu kuu fudedeynaayo sidii aad u heli lahayd.

IMG_0046

Waa muhiim in waalidiintu ay caruurtooda ku dedalaan sidii sare ugu qaadi lahaayeen waxbarashadooda xaga Diinta iyo xaga maadigaba,waxa kale oo looga baahan yahay in ay had iyo jeer waalidiintu xidhiidh wacan la sameeyaan macalimiinta  si ay u ogaadaan marba halka ay marayaan caruurtoodu.Waxa kale oo madarasada wax ka dhigta dad kale oo aan Soomaali ahayn lakiin ah dadka Muslimiinta xaafadda degan ah.

IMG_0044

IMG_0041

IMG_0153

IMG_0155

DAAWO VIDEO WARAYSIGA AAN SHEEKHA LA YEESHAY

https://www.youtube.com/watch?v=mIu5OcJbjN0

 

Hadaba hadii aad doonayso inaad sheekha talooyin weydiisa fadlan la xidhiidh.

Tell..0203 489 1850

Mobil…07772777673

Xamse Axmed Salaan

Salaanmedia.com