British Somaliland Council.
Magalada London Daladan oo ay ku midoobeen ururo aad u fara badan oo ka dhisan wadanka ingriiska, kuwas oo ka kala socda London, Sheffield, Liverpool, Manchester and Bristol. British Somaliland Council oo lixdii bilood ee la soo dhaafey shirar isdaba jooga uga socdeen magalada London, shirarkan oo lagu dhisaayey dalada iyo sidii loo mideyn laha ururda iyo bulshada qurba jooga reer somaliland.
Daladan oo ay soo dhaweeeyen ururda iyo qurba jooga reer Somaliland kuwo kalena aad u xiiseynayaan iney ku soo biraan, waxay muujiyeen in qurba jooga iyo ururda samafalka ah ee reer Somaliland ay baahi weyn u qabeen daladan isku mideyneysa qurba jooga iyo ururka samafalka. British Somaliland Council waxa ku midoobay aqoon yahano, wax garad iyo masuulo ka tirsan dowlada ingriiska.
Hadaba waxa 16th March 2013 sabtidi la soo dhaafey shirweyn oo aad loo so ababuuley lagu caleemo sarey oo lagu doorey gudi ku meel gaadh ah, gudida oo khibrad iyo aqoon aad heer u sareeya leh, waxa laga filaya in ay 19 xubnood oo ka tirsan dalada inay ka shaqeysiiyaan.
Magacayada Gudida iyo shaqsiyada loo magacabey wax aka mid ah
1- Cllr Abdifatah Nuur Chairman – abdifatah wuxu ka tirsan yahay golaha degaanad ee dowlada ingriiska, khibrad iyo aqoon aad u sareysa ayuu u leeyahay dhisanta iyo kobcinta ururda samafalka. Abdifatah Nuur waxa uu ka hawlgala xafada wembley.
2- Mariam Antony Vice Chair – Mariam waxay in badan la soo shaqyneysay dowlada ingriiska, iyo ururda samafalka ee magalada Sheffield, iyada oo dalada ugu balan qaadey inaney waxaba kal hagraneyn aqoonteeda, lana shaqeyntooda xubanaha dalada kuwa jira iyo kuwa ku soo biraya. Mariam oo dalada kala talinaysa arimaha debeda.
Xubnaha kala socoda urur kala gedisan oo loo magacay xilall kala duwan, waa kuwan hoos ku qoran
1- Rashid Aden-dhere London
2- Mohamed Saleban London
3- Mohamed Dayr London
4- Muna Abdi Bristol
5- Abdirahman Alel London
6- Safi Farah London
7- Iman Hassan Liverpool
8- Awale Birinbir London
9- Huda Cisman London
10- Ahmed Adam Atom London
11- Said Dualeh London
12- Rhoda London
13- Hussein Askar London
14- Abdillahi Abokor Dhere London
15- Maryam Sheffield
Ujeeddada sal-dhiga u ah dallada oo ah ineey yeeshan gole dhexe oo isla jaan qaadi kara, isla markaana iskaashi iyo wada shaqeen joogta yeeshan, hab iyo hanaan fiicana oo haga loo dejiyo . Waxa dallada ila iminka si rasmi ah ugu bahoobay 18 urur oo dhamaantood ka shaqeeya arimaha bulshada haday tahay samafalka,horumarka ,mashaaricda dib-udhiska dalka ,wadooyinka,caafimaadka,deegaanka,wax-barashadda,daryeelka agoomaha ,naafada,gurmadka abaaraha iyo xaaladaha deg-deg ah,ictiraaf –raadinta,la dagaalanka qabyaaladda,denbiyadda iyo mukhaadaradka , iyo wacyi –gelinta bulshadda guud ahan
Gabagabadi waxanu ugu baaqna ururada daneeynaya inay ku so biiran dalladan in markasta lagu so dhaweeynayo gacmo furan iyo qalbi furan
URURDA KALE EE REER SOMALILAND EE RABA INEY KU SOO BIIRAAN DALADAN WAXA LA OGEYSSINYA INEY U SOO DIRAAN EMAIL MADAXA XIDHIIDHKA URURDA
Salaan2000@hotmail.com