Maxkamadda Gobolka Hargeysa Oo Laba Sanadood oo Xadhig ah ku Riday Boqor Raabi

March 20th, 2013 Comments Off

Hargeysa (SM)-Maxkamadda Gobolka Hargeysa ayaa maanta xukun laba sano ah ku riday Boqor Raabi Yuusuf Cabdullaahi markii siday sheegtay lagu helay inuu Muqdisho kaga qeyb galay shirar ka dhan ah qaranimadda Somaliland.

Garsoore Cismaan Ibraahim Daahir oo ku dhawaaqay xukunka ay ku rideen Boqorka ayaa ka hadlay qodobada sharci ay u cuskadeen xukunkiisa waxaanu yidhi “Xukunkan waxaan u cuskannay qodobka 212 ee xeerka ciqaabta guud ee Somaliland, kadib markii boqorka ay ku caddaatay inuu ka qaybgalay shir looga soo horjeedo madaxbannaanida iyo gooni-isu-taagga Somaliland, sidoo kalena uu ka mid ahaa xubnihii soo xulay baarlamaanka Somaaliya.”

Boqor Raabi oo muddo 45 maalmood ah ku xidhnaa xabsiga Hargeysa ayaa dib loogu celiyay halkaas markii uu xukunku dhacay, iyadoo garyaqaanka u doodayay boqorka Maxamed Axmed Abokor uu sheegay in xukunka uu yahay mid aan cadaalad darro ah oo ay racfaan ka qaadan doonaan.

Salaanmedia/Hargaysa