Obama oo booqasho ku tagay Israel

 20 Maarso, 2013, 19:09 GMT 22:09 SGA

Madaxwayne Obama, ayaa bilaabay booqasho sadex maalmood ah oo uu ku marayo Israel, isagoo ballanqaaday taageero aan ka leexleexad lahayn ee dhinaca amniga dal Yuhuuddu leedahay.

Tallaabooyin taxane ah oo lagu xoojinayo fariintan, ayaa Mr Obama wuxuu booqday saldhig difaaca cirka ah oo uu Maraykanku maalgaliyay. Waxaa uu ka hortagaa gantaalada Gaza looga soo rido magaalooyinka Israel.

Madaxwayne Obama ayaa kadib la kulmay madaxwaynaha Israel Shimon Peterz ka hor intii uusan galin wadahadal soconaya muddo afar saacadood ah oo uu la qaadanayo ra’iisul wasaaraha Israel Benyamin Netanyahu.

Waxaa loo badinayaa in ay diiradda saari doonaan barnaamijka nuclear ee Iran, dagaalka sokeeye ee Syria iyo qorshaha nabadda Israel iyo Falastiiniyiinta.