Oodweyne oo Kaamkii ugu horeeyey laga taagay iyo qalabkii shidaalka lagu baadhaayey oo soo fool leh

oil-rig
In kabadan kun  qof ayaa laga qorayaa gobolka Togdheer si ay ula shaqeeyaan sharikkada shidaalka iyadoo baroiga iyo galbeedka burcaba laga baadhayo shidaal lagan qodayo  haddaba waxaa shalay Oodweyne laga taagay  dhismaha KAAMKII ee horeeyey ee sharikkada shidaalka iyadoo Shariikadda Batroolka iyo gaasta ka qodaysa Somaliland ee Genel Energy oo sannadkii hore maamulayaasheedu ay Hargeysa u yimaadeen inay sii xoojiyaan afar ceel oo ay ka qodayaan hawdka Hargeysa iyo hawdka magaalada Burco ayaa doon u raran shariikadaasi waxay ku soo xidhatay dekedda magaalada Berbera doontaasi oo wadday qallab iskugu jira soddomeeyo gawaadhida Lancruizers-ka ah, Qallabka lagu qodo ceelasha ee riigaga, wiishash, dhuumaha shiidaalka iyo weliba qallab aad u tiro badan.
Iyadoo badiba wararka la xidhiidha dhaq dhaqaaqyada iyo weliba hawlaha shariikadaha batroolka ka qoda Somaliland laga dhigay qaar aad u qarsoon shaqada ay hayaan awgeed badankana aan loo gudbin warbaahinta ayaa sida aan warka ku hellayso waxaa shallay ilaa maanta ka guraayey dekedda Berbera qallabkaasi gawaadhi xamuul ah oo shariikaddu leedahay kuwaasi oo u daabuli doona xarumo shariikadda Genel Energy ay ka samaysanayso goobo u dhaw ceelashada batroolka iyo gaasta laga qodayo.
Shariikadda Genel ayaa waxay sheegtay in ay ku bixinayso lacag dhan 40 ilaa 80 Malyuun oo dollarka maraykanka ah dilaacinta iyo qodista laba ceel oo kala ah Oodweyne iyo Caynabo kaasi oo ku qaadan doona in salliidda ugu horaysa laga soo saaro horaanta sannadka soo socda ee 2014-ka.
Warbixin horudhac ah oo shariikadda Genel ay ku daabacday boggooda ayey ku sheegeen inay kalsooni weyn ku qabaan xadidka salliida ah ee ku jira goobaha ay baadhayaan oo ay sheegeen in rajadii markii hore ay qabeen sii laban laabantay ka dib ayey yidhaahdeen markii ay dhamaystireen baadhitaan dhulka hoostiisa ah oo ay ku sameeyeen (sessimetic surveys)
Shariikaddu waxay sheegtay in ceel kasta ay filayaan inay ku jiraan salliid dhan 9 Bilyan oo parel oo u ku dhaw lacag dhan 1 Triliyan oo dollarka maraykanka ah.
Musa Cali/ Burco