Safarkii Khadar Aadan Ismaciil (Khadar Koodbuur) ee Dawlad degaameedka Soomaalida Ethiopia. Daawo video

Arbaca 20.3.13 (SM)Khadar Aadan Ismaciil (Khadar Koodbuur) Waxa uu dhawaan kasoo noqday safar uu ku tegay Dawlad Degaameedka Soomaalida Ethiopia,Khadar safarkiisu waxa uu ku saabsanaa u kuur galida xaalada dhabta ah ee ka jirta degaanka.

IMG_0193

‘Waxa degaanka ka jirta horumar dhinac walba ah oo la taaban karo,intii aan joogay waxa si weyn isoo dhaweeyey madaxweynaha Dawlad Degaameedka Soomaalida Ethiopia  Cabdi Maxamuud Cumar iyo Madax kale oo ka tirsan Maamulka.

Khadar mudadii uu joogay degaanka waxa uu madaxweyna ku amaanay  dedaalkiisa ku aadan shacabka iyo sida dadka qurbaha jooga ay ula dhacsan  yihiin horumarka dalkaba, Madaxweynehu sadexdii sanadood ee uu xukunka hayey waxa uu degaanku sameeyey isbedel aad u balaadhan oo dhinac walba ah,Waxa soo maray Dawlad Degaanka Soomaalida Ethiopia ilaa 11 Madaxweyne waxa aynu odhan karnaa in marka intaas oo dhan la isku daro in uu waxqabadka uu sameeyey uu ka balaadhan yahay,inkastoo kuwii ka horeeyeyba ay dedaal sameyeen, Xaga kale waxa madaxweynahu uu  xidhiidh wacan la sameeyey dadweynaha ku nool qurbaha oo ah laf-dhabarka bulshada,Waxa dadka qurbaha ku nooli ay aad usoo dhaweynayaan horumarka uu dalku ku talaabsaday intii dawladani jirtay.Madaxweynaha DDSI  Cabdi Maxamuud Cumar sida aad warbaahinta kala duwan ku arkayseen waxa uu  meel walba oo uu tago loogu soo dhaweynaayo si aad u sareysa tasoo  kuu cadeynaysa sida uu u kasbaday quluubta shacabka oo arkay dedaalka uu sameeyey intii uu madaxweynaha ka ahaa Degaanka Soomaalida.Dhinaca kale waxa uu madaxweynahu cafis u fidiyey dad fara badan oo denbiyo loo haystay oo shacabkuna soo dhaweeyeen iyo soo afjarid cabashooyin jirey oo uu wax ka qabtay si aad u sareysa.

Khadar Aadan Ismaciil oo fursadan ka faa’ideysanaaya  waxa uu ka  codsadey shacabka degaanka ee degan gudo iyo dibadba inay ka shaqeeyaan nabadgalyada iyo horumarka dalka ka soconaaya iskana dhafaan wixii keenaaya dhibaato oo ay tageero u muujiyaan dedaalka ay dawlada degaanku wado.

Waxa aynu ognahay in dhawaanahay ay wafti uu horkacaayo Madaxweynaha Dawlad degaanka Soomaalida Ethiopia Cabdi Maxamuud Cumar oo safar ku galaa bixinaayo beriga Dawlad Degaaneedka Soomaalida Ethiopia,waxa uuna noqonayaa safarkii noociisa ahaa ee madaxweyne kasoo jeeda DDSI uu ku tago degaanka,waana guul usoo hoyatay dhamaan shacabka degaanka ee gudo iyo dibadba kunool.Waa waajib ina saaran in aynu is garab taagno oo aynu ka shaqeyno horumarka iyo nabada ka dhalatay Degaanka.

HALKAN KA DAAWO VIDEO KU SAABSAN SAFARKIISA.

Raali galin…Videowga oo sanqadhi ku jirto.

Xamse Axmed Salaan

Salaanmedia.com

London