Safiirka Somaliland Oo La Kulantay Wasiirka Dimuqraadiyada Sweden

March 20th, 2013 

Danjiraha Jamhuuriyada Somaliland u qaabilsan dalka Sweden marwo Rhoda Jamac Cilmi ayaa kula kulantay wasiirka Sweden u qaabilsan midowga Europe isla mar ahaan taasna ah wasiiradda adeega iyo arrimaha dimuqraadiyadda Hon Brigitta Ohlsson xarunta dawlada ee loo yaqaano Rosenbad.

Marwo Rhoda Jamac Cilmi iyo wasiiradda ayaa ka wada hadlay sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka wanaagsan ee ka dhexeeya dalka Sweden iyo jamhuuriyada Somaliland .

Danjiraha Jamhuuriyadda Somaliland u qaabilsan dalka Sweden Marwo Rhoda ayaa wasiiradda sharaxaad faahfaahsan ka siisay nabadgalyadaiyo amaanka sugan ee jamhuuriyada Somaliland.

Waxaa kale oo ay wasiiradda warbixin ka siisay sababta aanay Jamhuuriyadda Somaliland marnaba uga qayb galaynin shirka Somalida loogu qabanayo magaalda London bisha April ee soo socta kaas oo ay marwo Rhoda ay u sheegtay wasiiradda inuu yahay mid u gaara ah arimaha Somalida balse aan waxba ka khusayn Somaliland. Marwo Rhoda uga waxay kale oo uga warantay wasiirada ujeedada bannaanbaxa magaalada Brussels ay ku qaban doonaan jaaliyadaha reer Somaliland ee ku dhaqan dalalka Euroupe, waxaanay isla amr ahaan taas ka codsatay wasiiradda sidii isku xidh ay ugu samayn lahayd jaaliyadaha Somaliland iyo axsaabta liberalka ah ee midowga Europe .

Dhanka kale wasiiradda dalka Sweden Hon Brigitta Ohlsson u sheegtay in siyaasada Sweden ee shanta sanadood ee Somalia/Somaliland aan waxba iska badli doonin dawlada Swedenn ay si toos ah ula macaamili doonto dalka Somaliland., waxay kale oo ay wqasiiradu balan qaadday inay sii xoojin doonto xidhiidhka labada dal. Hon Ohlsson ayaa ka mid mid ah saxiibada Somaliland aadka u daneeya socdaalo dhwr goor ahna ku timid dalka Somaliland

Maxamud Lafcanbe