Sheekh Maxamed Saciid Ramadaan Buudi oo qarax lagu dilay dalka Suuriya(Masawiro) March 21, 2013 – Written by editor

Sheekh Maxamed Saciid Ramadaan Buudi oo qarax lagu dilay dalka Suuriya(Masawiro)

March 21, 2013 – Written by editor

Buudi

Warar ay faafiyeen Wakaaladaha Wararka ee Caalamiga ayaa waxaa lagu Sheegay in Qarax is miidaami ah lagu dilay Sheekh Maxamed Saciid Ramadaan Buudi oo ka mid ahaa Culumada Suufiyada ee dalka Suuriya.

Qarax ayaa waxaa uu sababay dhimasho iyo dhaawac badan waxaana uu qaraxu ka dhacay Masjidka Al-Iimaan gudahiisa  halkaas oo uu wax ka akhrin jiray Sheekh Maxamed Saciid Ramadaan Buudi.

Sheekh Maxamed Saciid Ramadaan Buudi ayaa waxaa uu aad u taageersanaa Madaxweynaha dalka Suuriya Bashaar Asad wuxuuna aa uga soo horjeeday kooxaha Kacdoonka ka wada dalka Suuriya.

Mid ka mid ah Saraakiisha kacdoonka ee dalka Suuriya Muraad Shaami ayaa sheegay in qarax ay ka danbeeyaan laba qolo  kuwaas oo uu ku sheegay Jabhad Nusra ee Al-Qaacida iyo Mukhaabaraadka dalka Suuriya ee Shabiixa.