Socdaalkii Same-wade Maalintiisii 7aad iyo Soo Dhawayntii Degmada Shilaabo iyo Magaalada Qabridahar.

 

Socdaalkii Same-wade Maalintiisii 7aad iyo Soo Dhawayntii Degmada Shilaabo iyo Magaalada Qabridahar oo Waftigu Seexday Caawa kuna Maqsuuday Soo Dhawayntii Shacabka Qabridahare.

Qabridahare(SM).waftiga Madaxweynaha DDSI uu hogaaminayo ayaa maalmahanba dhexmushaaxayay Dhulkii ay UBBO Guuraha ku mari jirtay,islamarkaana Shaaca ka qaaday in ay Been iyo mala awaal huwan aragti dhaan dabangaale ay UBBO la dhexmeeri jirtay Dibadaha. Madaxweynaha iyo waftigiisa ayaa Xalay ku sugnaa Tuulada Caleen oo ka tirsan Degmada Shilaabo ee Gobolka Qoraxeey Halkaasoo ay Shacabka iyo Gudoomiyaha Degmada Shilaabo C/wahaab si heer-sare ah ugu soo dhaweeyeen Waftiga oo ay masaafo kaga horyimaadeen,halkaasoo uu waftiu xalay seexday Caleen kulanona kula yeeshay Odoyaasha Magaalada Caleen iyo Odoyaal ka yiid Tuulada laasacaano oo 35km u jirta Caleen.

Madaxweynaha iyo Waftigiisa ayaa saaka ka soo ambabaxay Caleen una soo kicitimay Magaalada Shilaabo ee looga taliyo Maamulka Degmada Shilaabo,islamarkaana Dad aad u tiro badan oo ka koobnaa odoyaasha,Dhalinyarada,haweenka,shaqaalaha iyo ardayda ay kaga horyimaaadeen madaxweynaha iyo waftigiisa masaafo dhan 6km halkaasoo madaxweynuhu uu ka degay baabuurkii oo ay wadajir shacabkii oo daba guuraya ku soo galeen Magaalada Shilaabo.

Waftiga ayaa woxogaa ku nastay Guri uu Magaalada shilaabo ugu sii diyaariyay Gudoomiyaha Degmada shilaabo mudane c/wahaab,xiligaas oo ay kooxaha fankuna la kalabaxeen qalabkoodii oo ay Barxada weyn ee shilaabo ku maaweelinayeen shacabka. bandhig-faneedka Shacabka shilaabo ay ugu talogaleen kooxuhu oo isugu jiray Dhaantooyin,gabayo iyo heeso ayaa ay dhalinyaradu buuxdhaafiyeen masraxa,sidoo kalana uu qayb wayn ka qaadanayay Fanaanka C/khaalaq Xaai siraadoo halkaa ka qaaday heeso uu ku amaaanayay Guulaha Ciidamada Liyuupolice iyo maangaabnimada UBBO.

madadaaladii ka dib ayaa uu madaxweynaha DDSI Mudane cabdi Maxamuud Cumar uu halkaa dadka kula hadlay isagoo sharax gaaban ka bixiyay Dhibaatooyinkii ba’naa ee iskugu jiraay Dilka,Dhaca iyo Kufsiga ee ay UBBO dhaxalsiisay Shacabka yidhina”Daah kama saarna Shakhsi kasta oo Deegaanka ku Nool Aragtidii Dhaan Dabangaale ee UBBO”.

Dhanka kale Waftiga Madaxweynaha ayaa Duhurnimadii u soo anbabaxay dhanka Magaalda Qabridahar iyagoo Tuulooyinka ku hakanayay markii ay shacabku kala horyimaadeen Caleemo qoyan iyo soo dhawayn. Madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo waftigiisa ayaa si heer sare ah ay ugu soo Dhaweeyeen Magaalada Qabridahar Ugaasyada,Suldaanada,Odoyaasha,Waxgaradka,Dhalinyarada,kooxaha dhaqanka iyo Maamulka Gobolka Qoraxey oo ay Ka Mid ahaayeen Gudoomiyaha Gobolka Qoraxey,Gudoomiyaha Degmada,Maamulka Magaalada,Hogaanka N/galyada Farxaan Sanwaa iyo ururka Haweenka,iyadoona Waftigan ay ka soo Galbiyeen Magaalada Shilaabo Gudoomiyaha Degmada Shilaabo Mudane C/wahaab,Gudoomiyaha Dhooboweyn Farxaan iyo Gudoomiyaha Gobolka Qoraxey.