Somaliland: Guddoomiyaha Baanka dhexe Oo Digniin Adag U Jeediyay Xawaaladaha

Somaliland: Guddoomiyaha Baanka dhexe Oo Digniin Adag U Jeediyay Xawaaladaha

March 23rd, 2013 Comments Off

Hargeysa (SM)-Guddoomiyaha Baanka Somaliland Cabdi Dirir Cabdi ayaa sheegay inaanu Baanka Dawladu Maamulin Lacagta ku jirta Qasnada Dawladda ee Baanka, balse ay hada maamulaan oo kaliya waxa uu ku tilmaamay lacagta Cashuurta ah ee dawlada u soo xaroota.

Cabdi Dirir Cabdi waxa uu sidaasi ka sheegay war bixin uu maanta siiyay Guddida Joogtada ah ee Golaha Wakiiladda Somaliland, waxaanu intaasi ku daray inaanu Baanka Somaliland lahayn nidaamkii Baankii dhexe ee Lacagta dalka Maamuli lahaa iyo Baankii Ganacsiga ee Sahli lahaa inay Ganacsatada wadanka ku maamulaan nidaamka Bangiga Ganacsiga ee Caalamka laga Isticmaalo.

Isagoo Geesta kale daboolka ka qaaday in Baanka Somaliland waayay lacag qadarkeedu gaadhayo Boqol iyo kow iyo Labaatan Bilyan oo Shilin oo dayn loogu lahaa Xukuumaddii Rayaale, taasoo Xukuumadda talada haysaa ku tilmaantay Lacag la lunsaday, dabadeed sidaasi lagu dhaafay.\

“Markii hore Baanku isagaa Lacagta dalka Maamuli jiray haday tahay Lacagta Bangiga soo gasha iyo haday tahay ta dawlada,isagaa lacagta kala qayb-qaybin jiray, isagaa dhaqaalaha wadanka soo gala oo dhan Maamuli jiray, laakiinse xiligii Maxamed Xaashi laga soo bilaabo Buug xisaabeedyo gaara ayay furteen wasaaraduhu (Acounts) oo khasnada ayuunbay lacagtu ugu jirtaa iyagaa Marna soo korodhsada marna la baxa”ayuu yidhi

Waxaanu intaasi raaciyay “markaa Maamul aanu ku leenahay ma jirto lacagtaa Dawlada , xataa lacag yar hadaanu ku yeelano kalama bixi karno ilaa Qaan-sheeg ay noo soo sameeyaan (Payments Voucher) oo aanu kula baxno, markaa taa iminka maamulno oo Wasaaadda maaliyada ayaa Maamusha”.

Mar uu ka hadlayay sababta keentay inay Wasaaradda Maaliyadu la wareegto Maamulka Lacagta Mushaharaadka iyo dakhli kale ee dawlada waxa uu yidhi “ Dawladii hore Dayn badan ayuu baanku ku yeeshay, wuxuu ku yeeshay Boqol iyo kow iyo labaatan Bilyan (121 Bilyan oo Somaliland ah ), ayaa ku maqnaa dawlada, lacagtaa cirkaa loo diray oo wali kamaanu xarayn dawlada lacagtaa, waayo Baankaa xaq u lahaa, laakiinse waxa la yidhi waa lacag la lunsaday oo sidiibaa lagu dhaafay , markaa Maxamed Xaashi wuxuu yidhi taasi si aanay u dhicin buug xisaabeedyo gaar ah ayaan samaysanaynaa oo lacagta dawlada Wasaaradda Maaliyada ayaa maamulaysa, waxaana la odhan karaa garbuu uu leeyahay”.

Su’aal kale oo laga waydiiyay sababta keentay in lacagtii Kontonka Shilin ahayd iyo lacagihii kale ee ka hooseeyay suuqa ka baxdo waxa uu kaga Jawaabay “Lacagtii faraksharka ahayd suuqa way ku yartahay oo waa Run, meelo badanbaana aad loogu Isticmaalaa oo Boorama ka mid tahay, markaa dhawaan ayaanu doonaynaa inaan Noodhadh cusub ka soo daabacno”ayuu yidhi.
Guddoomiyaha Baanka Somaliland Cabdi Dirir Cabdi, sidoo kale waxa uu qeexay nidaamka ay Xawaaladaha Somalidu uga shaqeeyaan wadanka oo uu ku tilmaamay hab guracan oo sharcigu aanu fasaxayn, qaabkaasoo ah nidaamka Bangiyada la xidhiidha ee Xawaaladuhu bulshada ugu adeegaan, waxaanu yidhi “Dalka Banaan ma jiraan ee waxa jira waxa la yidhaahdo Lacag dirista iyo Sarifka, kuwaasoo hawshoodu ku eegtahay inay lacagta adag dadka u kala sarifaan ama qaab Xawaaladeed meel inta laga diro meel laga qaato”ayuu yidhi.

Isagoo arintaasi ka sii hadlaya waxa uu uu yidhi “waxa kale oo ay Xawaaladuhu sameeyaan Buug Xisaabeedyo ayay furan (Acounts), Amaaho ayay bixiyaan oo dee wixii Baanku qaban lahaa oo dhan yay qabtaan, sharciguna uma Fasaxayo, markaa dhawr jeer ayaan warqado u qoray oo aan ku idhi shaqadiinu intaasi ku eegtahay wadankana baahibaa jirta in Bangiyo Ganacsi la hirgeliyo, markaa joojiya, hadii aad sidaasi yeeli waydaana talaabaa laydinka qaadayaa”.

Cabdi Dirir Cabdi, waxa kale oo uu tilmaamay inay jiraan Xawaalado ku qaan-gaadhay nidaamka Baananka oo uu kula taliyay inay nidaamkooda horumariyaan, si buu yidhi ay Bangiga Dawlada isaga Kaashadaan hir-gelinta nidaamka Bangiyada Ganacsiga, waxaanu yidhi “Xawaaldaha qaarbaa jira kor u soo yara kacay oo soo koraya, kuwaana waxaanu ku nidhi sii horumariya adeegiina aad Baanan ahaan nagula shaqaysaana”ayuu yidhi.

Waxaanu ku Hanjabay inaanay dib u aqbalayn amase aanay Xawaalada ka yeelayn inay shaqadii Bangiga la wareegaan, waxaanu yidhi “laakiinse iminka wax ka dambeeya idinka aqbali mayno Sariflayaalbaanu nahay, shaqadii Baankana waxaanu waanu qabanaynaa, waayo waxa loo baahanyahay in wadanka Baanan Ganacsi yimaadaan oo dadkii Amaah ay helaan dabeetana dhaqaalihii uu fur-furmo”.

“waxa kaliya ee hada sharciyaysani waa Bangiyada Islaamka (Islamic Bank) ee Ganacsiga ah, markaa waxa loo baahanyahay in Bangiyada reer Galbeedka ama aan Ismaamiga ahayn sharcidaydooda dib loo eego”ayuu yidhi hadalkiisa ku daray.

Hadalka Guddoomiyaha ayaa ku soo beegmaya xili Somaliland uu ka jiro Sicir Barar dhinaca Maceeshada ah, Doolarkuna aad u kacsanyahay, sicir-bararkaasoo loo aanaynayo inuu ka yimi dhawr arimood oo ay ugu muhiimsantahay Lacagta shilin Somaliland ah oo Suuqyada Sarifka ku soo badatay iyo Dawlada oo xakamayn kari la’ Qiimaha Maceeshada kala duwan oo qiimaheedu aanu la socon Sicirka Dollarka, hase ahaatee Ganacsatadu markuu doolarku qaaliyoobo ay ku doodaan inay la jaanqaadayaan qiimaha Lacagta Dollar-ka.

Salaanmedia/Hargeysa