TV QARANKA OO ISKU SHANDHEYN LAGU SAMEEYEY

March 27th, 2013 Comments Off

tv

Hargeysa (SM)- Maareeyaha Guud ee Telefishanka qaranka Somaliland Mudane Khadar Xasan Cali Gaas, ayaa soo saaray qoraal uu isku shaan-dheyn kooban ku sameeyay xafiiska wararka ee Telefishanka qaranka.

Maareeyuhu waxa uu Madaxa Xafiiska Wararka ee Telefishanka qaranka u magacaabay Xamse Axmed Cali Bul-bul, halka waxa kale oo Ku xigeenka madaxa wararka laga dhigay Cali Axmed Cawaalle (Caano-dhame).

Maareeyuhu waxa kale oo uu Madaxii hore ee wararka Telefishanka qaranka Maxamed Xuseen Cali u magacaabay Tifaftiraha guud ee Telefishanka Qaranka.
Waxa isku shaan-dheyntani ay meesha ka saartay Axmed Saxardiid oo ahaa ku xigeenka madaxa wararka ee Telefishanka qaranka.

Talaabadan ayuu Maareeyuhu ku sheegay in looga gol leeyahay dar-dar gelinta iyo xoojinta xafiiska wararka Telefishanka qaranka.,

Salaanmedia/Hargaysa