Ururka Xirfad-layaasha Shaqalaha Oo Maanta Lagu Daah Furay Magalada Hargeysa

 

Waxa sidoo kale si rasmiya ufuray ururkan wasiirka shaqada iyo Arrimaha bulshada Maxamuud Axmed Garad oo sheegay in ay ….

Hargeysa (SM)- Urur cusub oo lamagac baxay Profeshional Worker Association (PSWA) ayaa maanta si rasmiya looga furay magalada Hargeysa xaflad baladhan oo lagu furayey Ururka oo lagu qabtay xarunta hay’adda Dawladda, Ayaa Waxa Kasoo Qayb Galay masuuliyiin Ka Tirsan xukuumada iyo ururada bulshada Somaliland,waxa ugu horayn halkaas ka hadlay wasiirku xigeen waxbarashada Cali Xaamud Jibriil oo aad ugu maahadnaqay dadka ururkan soo aas-aasay sheegayna in ay soo dhawaynayaan ururkan,

Waxa sidoo kale si rasmiya ufuray ururkan wasiirka shaqada iyo Arrimaha bulshada Maxamuud Axmed Garad oo sheegay in ay aad iyo aad ugu farax sanyihin ururkaan soona dhawaynayaan wada shaqayna ay layeelan doonaan ,isla markana sheegay in ururka noocan oo kale ahi uu u baahnaa dalkeenu isla markana shaqalaha Somaliland siwayn uga faa’idaysan doonaan isagoo sheegay wasiir Garad in ay dhib kala kulmi jireen dadka shaqalaha ah iyo qofka loo shaqeeyaha iyo sida uu xuquuqdiisa u heli laha qofku markii meeshii uu ka shaqaynayey katago, ayadoo aanay jirin buu yidhi wax heshiisa oo ay kala saxeexdaan qofka loo shaqeyaha ah iyo shaqalahu.

Sidoo kale waxa ayna halkaas ka hadashay marwo Casha Cabdi Rooble oo ah gudoomiyaha Ururkan oo sheegtay sababta ku kaliftay ayadoo sheegtay in markii ay aragtay in ay bulshadu siwayn ugu baahantahay ururkan oo kale ah oo ka shaqeeya arrimaha bulshada ay aasastay ururkan.

Salaanmedia/Hargaysa