Salaan Media - Warbaahin Dhex-dhexaad ah

Waa maxay Danaha Israel iyo Reer Galbeedku ka leeyihiin dagaalka Syria, Iran, Lebanon iyo Palestine

Waa maxay Danaha Israel iyo Reer Galbeedku ka leeyihiin dagaalka Syria, Iran, Lebanon iyo Palestine

 

Dib u raaca taariikhdooda (Part 1)

Beryahanba sidii dhaqdhaqaaqa xoriyad doonka shicibka carabtu uga bilaamay bariga dhexe, waxaa ka bilowday siyaasad cusub oo aay isku meelaynayaan wadamadaasi iyo kuwii ajaanibka ahaa ee iyagu ku shaqaysan jirey meeshaa.   Arintan oo keentay weji siyaasadeed oo cusub, ilaa iyo xiligii dawladihii reer galbeedku faraha la soo galeen wadamada islaamka, khaasatan wadamada Bariga dhexe ee ilaahay khayraadka saliida siiyey.

 

Waxaa kaloo iyaduna hore u jirtey sideedaba in whakhtigii 1947, markii wadanka Israel lagu abuuray dhulkii aay falastiintu hore u deganayee,  aay ujeedada wadamada reer galbeedku ahayd inay difaacaan wadanka yuhuuda.  Ka dib markii wadama isbahaysiga ee reer galbeedku jebiyeeen taliskii Nazi Germany, oo isagu doonayey in yuhuudu laga saaro wadanka Germany iyo wadamadii aay qabsadeen, ka dib markaay arkeen in siyaasadii iyo dhaqaalihii wadamadiisi aay la wareegeen dadkaasi yuhuuda ah ee tirada yar, kuna lug lahaayeen dhibaatada dhaqaalaha iyo siyaasadeed ee wadanka Germany iyo dhamaan wadamada Europe ta taagneyd amaba soo foodsaartay ilaa dagaalkii koowaad.

 

Arinta kale ee keentay in yuhuuda dhulka falastiin lagu abuuro, ka dib markii xasuuqa uu ku sameeyey Hitler, oo markaa aay reer galbeedku aay isu arkeen danbiilayaal iyo weliba iyagoon reer galbeedku dadka muslimka ah iyo weliba Palestiinta ee ku nool wadankaasi aanay dan ka lahayn inaay jiraan iyo inkaleba, madaama aay carab iyo Muslim yihiin.  Waxa kaloo jirtey awooda dhaqaale ee dadka Yuhuuda ahi ku lahaayeen wadamada Europe iyo maraykanka inaay u suurta geliso inaay samaystaan wadan yuhuuda u gaar ah oo aay weligoodba doonayeen inay samaystaan, khaasatan halkii aay ka soo jeedeen asalkoodu oo ahayd dhulka carabta, khaasatan Palastine.

 

Hadaba madaama awooda dhaqaale iyo siyaasadeed ee yuhuudu aay ku leeyihiin wadamada Europe iyo Maraykanku aay tahay mid aad u xoogweyn, oo badiyaaba kelifta in waxay doonayaan loo qabto, ha ahaato hub casriya oo laga iibiyo, dhaqaale farabadan oo la siiyo amaba technologiyad loo gudbiyo wadankaasi iyo weliba difaac hiil iyo hooba leh oo lala hortaagan yahay, madaama madaxda iyo siyaasada wadamadaasi Europe iyo America aay kantaroolaan yuhuudu.  Isla markaana aay ilo kasta oo wax ka soo baxaan aay iyagu gacanta ku hayaan, oo xitaa lacagta ku baxda tartanka siyaasi kasta oo taageeraya arimahooda aay iyagu bixiyaan.

 

Laakiin waxaad moodaa ilaa intii Saddam Hussein laga tuuray xukunka Iraq inay xaaladii siyaasada shiicadu xoogeysatey, xoogna u soo if baxday awoodii dhaqdhaqaaqii shiicada aay ku lahaayeen wadamada bariga dhexe, oo markii horeba sii fideysey ilaa intii wadanka Iran aay la wareegeen kacaankii islaamiga ahaa.  Ka dib markii  ayatollah Khomeini ka tuuray xukunka wadanka Iran, ninkii israafka iyo fusuqa badnaa ee la odhan jirey Mohammad Reza Shah, kaas oo aay saaxiib la haayeen wadamada Europe iyo khaasatan wadanka Maraykanku.

 

Hadaba maxaa iska bedelay beryahan siyaasada middle eastka ku wajahan.  Sideedaba Iran waa wadanka keliya ee shiicada majority ah, oo markaa aay ku wareegsanaayeen wadamo Sunni ah oo weliba carab ah.  Hadaba waxaa dhacday markii kacaankii shiicada islaamku la wareegay xukunka wadanka Iran, aay aad ugu dadaalayeen Iran sidii shiicada laysigu keeni lahaa, awoodna ugu yeelan lahayeen aduunka.  Taasaa keentay markaa in wadanka Iraq oo shiicadu u badan tahay aay dagaal 10 sano soconayey aay wada galaan Xukunkii kacaanka ee Iran ka dhashay 1979, ee uu hogaaminayey  wadadkii caanka ahaa ee shiicada ayatollah Khomeini.

 

Hadaba markii Saddam Hussein laga tuuray xukunkiisii uu ku cadaadin jirey shiicada wadanka Iraq oo aay iyagu u badnaayeen, waxaa sii badatay awoodii aay shiicadu ku lahaayeen wadamo farabadan oo aay ka mid yihiin Iraq, Lebanon, Pakistan, India iyo waqooyiga Afghanistan oo Iran xoog u tageerto dhinac military iyo dhinac dhaqaalaba.  Dhinaca kale ee Syria waxaa ka dhexeeya Iran xidhiidh siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo ku wajahan wadanka yuhuuda iyo arabta kale.  Hadaba madaama Iran iyo Syria aay ka dhaxayso dano siyaasadeed oo aay kawada leeyihiin Lebanon, iyo weliba inaay Syria ahayd wadankii keliya ee carabta ah ee aan taageerin Iraq, madaama Syria iyo Iraq aay kala mabd’a ahaan jireen.   Mararka qaarkoodna waxaa dhici jirtey in Iran ka heli jirey Syria mucaawino hub iyo taageero siyaasadeedba, madaama Hafadul Azad of Syria iyo Saddam Hussein of Syria aay col ahaayeen.   Syria iyo Iran waxay in badan kala taageeri jireen ururada PLO, Hezbullah, Druze iyo qaar firqooyinka Christianka ka mid, si aay meel uga soo wada jeestaan siyaasadadooda ku wajahan wadanka yuhuuda iyo carabta kale ee pro-westernka ah.

 

1975 markii dagaalkii sokeeye ka qarxay wadanka Lebanon, oo markaa dagaalo ka kala dhex dhacay Jabhadii Palestinianka ee Lebanon deganayd iyo xulufooyin kale oo Muslim leftist ama hantiwadaag ahaa kuwaas oo la dagaalameyey qolyihii Christian Phalange party iyo Maronite Christian community, iyo kuwo kale oo Druze la yidhaahdo .  Dabadeed waxaa dhacday in sanadadii hore oo ilaa 6-7 sano ahaa, aay isku dayeen inay dhexdhexaadiyaan Europe, USA, Arab League iyo United Nations iyo khaasatan France oo dhinacooda diplomacy ka wadey, madaama aay ahaayeen wadankii iyagu gumaysan jirey Lebanon wakhtiga badan.  Taasi waxay keentay wadamadaa is lahaa wax dhexdhexaadiya aanay ku guulaysan arintaas, qaarkoodna sida Israel aay meesha qas iyo fowdo ka wadeen oo qaarba jabhad gooniya taageerayeen.

 

Hadaba koleyba hadaynu ka hadlayno taariikhdii wadamada Syria iyo Lebanon, waxaa haboon bal inaynu yara eegno siday Palastine ku soo galeen wadanka Lebanon.  Sidoodaba Qaxootiga Palestinianku waxay markoodii horeba wadanka Lebanon u soo firdhadeen wakhtigii 1948 iyo 1967 Arab-Israeli war.  Waxaa kaloo jirtey dagaalkii loo yiqiin ‘’Black September’’ eek ala dhex maray jabhada PLO ee Yasir Arafat hogaaminayey iyo ciidanka Jordan oo uu hogaaminayey Hashimate King Hussein.  Dagaalkaasi isna wuxuu bilaamay September 1970, ilaa dhamadkii July 1971.  Dagaalkaas oo rajadiisu ahayd labadooda kii guuleysta inay xukumaan Jordan.  Nasiib daro kumanaan ayaa halkaa ku naf waayey, oo weliba intooda badani aay ahaayeen Palestinian. Nasiib daro markii jabhadii PLO ku guul daraysatey dagaalkaas aay King Hussein of Jordan la galeen, waxaa laga caydhiyey wadanka Jordan, oo isla markaana loo qaxiyey wadanka Lebanon.  Waxaa ilaa iminka lagu qiyaasaa palestinianka degan wadanka Lebanon ilaa 250,000.

 

Hadaba markii aay ku fashilmeen qolyahaasi, ee wadanka xaaladiisu ka sii dartay, ayaa August 1982 waxaa wadanka yimi woxoogey ciidamo ah oo intooda badan ahayd Maraykan iyo woxoogey Francis ah.  Si markaa ciidanka maraykanka iyo kuwa kaleba aay goobjoog ka ahaadaan ka bixida jabhada Palastinianka ah ee Yasser Arafat hogaaminayey ee koonfurta Lebanon, oo markaa lagu hareereeyey xeryihii iyaga iyo qaxootigoodu aay deganaayeen ee koonfurta Lebanon.  Dabadeed markii jabhada palastiintu ka baxday qaybta Beirut ee aay deganaayeen,  nabad gelyana loo siiyey si aay ugu guuraan magaalada Triboli ee waqooyiga wadanka Lebanon, ayaa iyaguna ciidamdii yaraa ee maraykanku ka baxeen wadanka Lebnon xiligii September 10, 1982.   Laakiin aay dib ugu soo noqdaan mar labaad on September 29 1982, ka dib markii qaxootiga shicibka Palastinianka eek u hadhay Lebanon aay xasuuqeen Jabhadaha Christianka ahi.  madaama jabhadoodii Palestiinta ee ilaalin jirtey qaxootigooda Lebanon degan  lagu khasbay inay wadanka ka baxaan markii aay hareereyeen jabhadihii Christianka ahaa, ee aay taageersanaayeen wadamada Yuhuuda Maraykanka, iyo reer galbeedku …………. to be continued

 

 

 

Ali Dhinbiil

Current affair editor

Ali.dh@hotmail.co.uk

 




Leave a Reply