Wafti gaadhay Gobolka Awdal iyo ujeedada ay u tageen oo ah adkaynta nabad-galyada

March 25th, 2013 Comments Off

Boorame (SM)- Waxa maanta magaalada Boorama soo gaadhay wefdi Wasiirro ah oo uu hogaaminayo Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga Md. Axmed Xaaji Cali Cadami isla markaana ay ku wehelinayaan Wasiirrada Xanaanada Xoolaha Dr. Cabdi Aw Daahir iyo Wasiirka Duulista iyo Hawada Md. Maxamuud Xaashi oo la filayo inuu isagu galabta soo gaadho Boorama.

Ujeedada safarkan Wasiirrada oo la sheegay inay salka ku hayso arrimaha nabadgalyada sida uu sheegay Wasiirka Gaashaandhiga oo shir jaraa’id ku qabtay markii ay soo gaadheen Boorame.

“Ujeedada safarkayagani waa tii caadiga ahayd, waxa ku xiga hawlo nabadeed oo Taagan ahaa oo aan ognahay in dhidibada loo aaso nabadii, waan ognahay in ay beeluhu isku dhici karaan waxase lagama maarmaan ah in nabada la ilaaliyo,”ayuu yidhi Mudane Axmed Xaaji Cali Cadami.

Wasiirka Gaashaan-dhigu waxa uu intaasi ku daray inay Gobolka ku sugnaan doonaan ilaa inta ay hawlaha ay u yimaadeen u dhammaanayaan, waxaanu yidhi “Mar haddii ay kulamo iyo wada hadalo bilaabmaan waa inta ay ku dhamaadaan uun mudana waan ku sugnaan doonaa Boorama.”

Salaanmedia/Boorama