War Deg Deg ah: Korneyl Cabdullaahi Black oo goor dhow ku geeriyooday dalka Sweden

War Deg Deg ah: Korneyl Cabdullaahi Black oo goor dhow ku geeriyooday dalka Sweden.

Allaha u naxariistee waxaa goordhow ku geeriyooday dalka Sweden korneyl Cabdullaahi Maxamed Samatar (Black) oo ka tirsanaa saraakiishii hore ee ciidanka xooga dalka Soomaaliya, kaasoo mudooyinkan ku noolaa dalka Sweden.

Geerida marxuumka ayaa timid kadib markii maanta uu xanuun ku soo booday xili uu ku sugnaa masjid ku yaala magaalada Örebro ee dalka Sweden halkaa oo uu salaadii Jimcaha ku tukaday, iyadoo wararku sheegayaan in dhiig uu madaxa uga furmay.

Marxuumku wuxuu ka mid ahaa saraakiishii Soomaaliyeed ee qeybta libaax ka qaadatay ka difaacida dalka ciidamadii Itoobiya sanadihii todobaatameeyadii, isagoo ahaa shaqsi ahlu diin ah, Waxaana uu caan ka ahaa inta badan masjidyada gudaha dalka iyo Sweden oo uu inta badan waqtigiisa ku qaadan jiray cibaadada iyo quraan aqriska.

Jaaliyadda beesha Karanle ee wadamada Yurub iyo waqooyiga America ayaa tacsi tiiraanyo u diraya qoyskii uu ka geeriyooday marxuumku, waxaana ay ilaaheey uga baryayaan inuu janadii fardowso ka waraabiyo. Aaamiin.

Meydka marxuumka ayaa la sheegay in loo qaadi doono gudaha dalka Soomaaliya halkaa oo lagu aasi doono hadii ilaaheey yiraahdo.

INNAA LILLAAH WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN