War Deg Deg ah:Saan Saan Colaadeed oo ka Aloolsan Magaalada Kismaayo iyo Afhayeenka Ciidamadda oo ka hadlay..

War Deg Deg ah:Saan Saan Colaadeed oo ka Aloolsan Magaalada Kismaayo iyo Afhayeenka Ciidamadda oo ka hadlay..
Salaan media_011
Afhayeenka Ciidamadda Dowladda ee gobolada Jubbooyinka Col Warfaa Sheekh Aadan oo la hadlay Xafadda ayaa sheegay Ciidamo ka socda dowladda oo dhawaanahaan ku sugnaa duleedka Kismaayo inay gudaha u galeen magaalada Kismaayo.Warfaa sheekh Aadan ayaa uga digay Cidamadda Maamulka KMG ah gar ahaan kuwa Raaskambooni inay sii wadaan dhaq dhaqaaqaya ay oga soo horjeedaan Ciidamadda dowladda ee maanta gudaha u galay Kismaayo.’

Warfa ayaa xusay inay soo gaareen Warar sheegaya Ciidamadii maanta fariisimaha ka samaystay gudaha Magaalada Kismaayo gaar ahaan halka loo yaqaan Warshadda Hilibka, inay dhaq dhaqaaqya ay oga xigsanayaan Magaalada ka samaynayaan halkaasi.

Ugu Danbayntii Afhayeenka Ciidamadda Dowladda ee gobolada Jubbooyinka Col Warfaa ayaa la waydiiyay Tirada Ciidamada Manata Soo gaaray Wuxuuna Ka gabasaday in uu Sheego Tirada Ciidankaas Wuxuuna carrabka ku adkeeyay in Dhaq Dhaqaaq Xoogan ay wadana Cidamadda Maamulka KMG ah gar ahaan kuwa Raaskambooni hadii ayna sii wadaan Dhaq Dhaqaas wuxuu sheegay In Ay Gacmaha ka Qabsan doonin .

Wixii Warar ah ee kasoo Baxa Amuurahaas Kala Soco Wararkayaga Danbe Insha Allah