Wararkii ugu Dambeeyay Xaalada Garoonka Diyaaradaha Aadan cadde ee Muqdisho oo saakay lagu kala cararay

Wararkii ugu Dambeeyay Xaalada Garoonka Diyaaradaha Aadan cadde ee Muqdisho oo saakay lagu kala cararay

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Wararkii ugu Dambeeyay aan ka heleyno Garoonka Diyaaradaha Aadan cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xaalada garoonkauu hada noqday mid caadi ah ayna dib usoo laabteen hoowlihii garoonka kasocday oo saakay mar qura hakad galay.

Saaka ayey ahayd markii halka  Diyaardaha ka duulaan kuna soo dagaan lagu arkay Booyad ee leeyihiin Shirkada SKI oo looga shakiyay in ee ku jiraan waxyaabah qarxa taa oo keentay in garoonka lagu kala carraro dhamaan dadkii kusugnaa laga saaro.

Ciidamada AMISOM iyo kuwa Nabad sugida oo isticmaalaya ayaa  walxaha qarxa ayaa garoonka lagu arkayay iyaga baaritaano kusameenayay gaarigii looga shakiyay in ee ka buuxaan waxyaabah qarxa iyadoona aan la ogeyn ilaa hada in gaarigaasi waxyaabah qarxa laga helay iyo in kale,.

Shaqaalihii garoonka ee saakay laga saaray Garoonka ayaa hada dib ugu laabtay garoonka iyagoona bilaabay howlahoodii shaqo kadib markii uu hakad galay mudo saacado ah oo xaalka garoonka u ahaa mid jahwareer iyo cabsi badan ka jirtay.

Ma jiraan wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha amaanka ee Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho oo ku aadan kala cararkii saakay ka dhacay garoonka iyadoona laga yaabo in saacdaha soo aadan in ee war kadoo saaraan ama ay ka aamusaan.