Warbixin..Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye guuto Cabdilaahi Fadal.

Hargaysa 25 March { SM} Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye guuto Cabdilaahi Fadal iimaan oo uu wehelinayey taliyaha hogaanka ciidankaasi Maxamed X Nuur Khaliif ayaa manta warbixin ku saabsan xaaladda amniga wadanka siiyey gudida joogtada ah ee golaha wakiilada Somaliland.

Sareeye Guuto Fadal waxa uu warbixintiisa ku sheegay in ay jiraan caqabado soo noqnoqda oo ay ka hawlgalaan ciidamada Booliska Somaliland kuwaasoo ay ugu horeeyaan khilaafka iyo muranka ka dhasha mulkiga dhulka banaan, ka ganacsiga mukhaadaraadka iyo  dhalinyaradii gidaaradu ay hoyga u ahaayeen oo iyaga mudooyinkan danbe uu dhibkoodu ka yaraaday ciidamada Booliska ka dib markii badankoodii lagu xareeyey xeryahii taakulaynta.

Taliyaha Booliska Somaliland waxa uu sheegay in guulo la taaban karo laga gaadhay horumarinta tayada ciidanka Booliska mudadii ay xukuumadda cusub ee xisbiga Kulmiye xilka haystay isla markaana boqolaal dhalinyaro ah lagu soo daray safafka ciidanka booliska, kuwaasoo la siyey tababarkii lagama maarmaanka u ahaa gudashada xilkooda, iyadoo taliyayaasha saldhigyada gobolada iyo degmooyinkana la siiyey tababaro dhinaca xuquuqda aadanaha ah.

Taliyaha Booliska oo ka hadlayey dhinaca dhismayaasha waxa uu sheegay in xarumo boolis laga samaynayo degmooyin ka mid ah dalka, korna loo qaaday tirade hablaha booliska ah ee ciidanka ku soo biiray.

Mar uu ka hadlayey dhinaca kiisaska ka dhaca dalka waxa uu sheegay in awoodda la saaray ka hortagga falalka kufsiga, gacantana lagu soo dhigay shan gacan ku dhiigle oo ka mid ahaa todoba gacan ku dhiigle oo caasimadda falal dil ah ka gaystay labadii kalena lagu raad joogo, taasina ay tilmaamayso kartida ciidanka Booliska.

Hargaysa SDN.