Wariye Raxmo Cabdi oo Muqdisho lagu dilay.

Gabar weriye aheyd oo lagu dilay Muqdisho

 

Meydka Raxmo Cabdi oo lagu dilay Towfiiq /Muqdisho

Allaha ha u naxariisto, waxaa xaley lagu dilay xaafadda Towfiiq ee degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho gabadh wariye ahayd.

Sida ay lee yihiin dad goobjoogayaal ah, rag ku hubaysan bastoolado ayaa dilay Rahma Cabdiqaadir, oo u shaqeyn jirtay Idaacad maxali ah oo ku talla degmada Caabudwaaq ee  gobolka Galgaduud.

Agaasimaha raadiyaha Cabdikariin Axmed Bulxan ayaa dilka Rahma u xaqiijiyay warbaahinta, isagoo intaas raaciyay in xilliga la dilay ay la socotay gabar kale oo weriye ah oo u shaqeysa idaacadda Danan ee ku taalla Muqdisho.

Cabdikariin wuxuu sheegay in weriyaha la dilay ay ka shaqeyn jirtay qeybta farsamada ee idaacadda, isagoo xusay inaaneyn garaneyn cidda dishay iyo sababta ka dambeysa dilkeeda.

Raggii dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday, mana jirto cid ilaa hadda sheegatay mas’uuliyadda dilka.

Rahma waxay noqoneysaa weriyihii saddexaad ee lagu dilay Soomaaliya tan iyo billowgii sanadkan 2013.

Sanadkii 2012, 18 wariye ayaa lagu dilay Soomaaliya. isku soo duub Soomaaliya waxay ka mid tahay dalalka ugu khatarta badan caalamka ee ay weriyeyaashu ka howlgalaan.

Salaanmedia/Moqdisho