Wasiirka Madaxtooyadda Imaaraadka Oo Kulan Balaadhan La yeeshay Weftigii Madaxweynaha Somaliland

Wasiirka Madaxtooyadda Imaaraadka Oo Kulan Balaadhan La yeeshay Weftigii Madaxweynaha Somaliland

March 24th, 2013 Comments Off

Nuxurka Qodobadii ay ka wada hadleen Labada dawladood

Dubia (SM)- Wasiirka Madaxtooyadda dawladda Imaaraadka carabta Sh. Mansuur Binu Saa’id ayaa saaka qaabiley Weftigii madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ee shalay socdaalka shaqo ku tagay dalkaasi.

Wasiirka Madaxtooyadda ee Imaaraadka Carabtu waxa uu si meeqaam sare leh ugu soo dhaweeyay xafiiskiisii Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftigii balaadhnaa ee uu Hoggaaminayay, sida uu noo xaqiijiyay Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ka mid ah xubnaha weftiga.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu uga mahad celiyay dawladda Imaaraadka carabta marti-qaadka rasmiga ah ee ay u fidiyeen weftigiisa, waxaanu si qoto dheer ugaga waramay qodobadda ay xukuumadda Somaliland danaynayso in dawladda Imaaraadka carabtu wax kala qabto, kuwaasi oo iskugu jira mashaariic horumarineed oo la xidhiidha dhinacyada waxbarashadda, caafimaadka, wadooyinka, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo sidii maal-qabeenadda Imaaraadka carabtu u maal gashan lahaayeen khayraadka dihin ee Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu ka dalbaday dawladda Imaaraadka carabta inay dhamaystiraan ceelashii lagu balaadhinayay nidaamka biyaha ee Magaaladda Hargeysa oo ay dhuumihii biyaha soo qaadayay ku rakibaan ceelashii laga qoday xunbo weyne iyo jaleelo.

Waxa kale oo Madaxweyne Axmed Siilaanyo uga ka codsaday inay wax kala qabtaan dhismaha jidka hal-bowlaha ah ee isku xidha magaalooyinka Burco iyo Ceerigaabo, isla markaana ay hirgeliyaan laba cisbitaal oo casri ah oo ay hore u balan qaadeen inay ka dhisi doonaan Somaliland.

Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxa kale oo uu la soo qaaday Wasiirka Madaxtooyadda ee dalka Imaaraadka carabta inay Somaliland ka taageeraan hirgelinta dugsiyo casriya oo lagu barto farsamadda gacanta si shaqo abuur loogu sameeyo dhalinyaradda kala duwan ee dalka.

Geesta Kalena, Wasiirka Madaxtooyadda Sh. Mansuur Binu Saa’id oo ka hadlay kulankaasi ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay socdaalka Madaxweynaha Somaliland ku yimid dalkaasi waxaanu xusay in dawladiisu ay Somaliland ka saacidi doonto horumarinta adeegyadda aasaasiga ah. Waxaanu balan qaaday inay fulin doonaan qodobadda uu madaxweynuhu hor dhigay.

Wasiirku waxa uu weftiga ka codsaday inay nashqadda dugsiyadda iyo cisbitaalada ay u baahan yihiin ka soo eegtaan dalka Imaaraadka si looga dhiso magaalooyinka Somaliland.

Kulankaasi waxa uu ku dhamaaday is afgarad, waxaanay labada dhinac isku waafaqeen inay ka wada shaqeeyaan sii xoojinta cilaaqaadka labada dal ee walaalaha ah.

waxa weftiga madaxweynaha xubno ka ah Wasiirka Madaxtooyadda Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan,Wasiirka Arrimaha dibadda Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, Wasiirka Maaliyadda Mudane C/Casiis Maxamed Samaalle, Wasiirka Beeraha Mudane Faarax Cilmi Geedoolle, Guddoomiyaha xisbiga tallada haya ee KULMIYE Mudane Muuse Biixi Cabdi, Wasiir Ku xigeenka Warfaafinta Mudane Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Wasiir Ku Xigeenka caafimaadka Marwo Nimco Xuseen Qawdhan, Afhayeenka Madaxtooyadda Mudane Axmed Saleebaan Dhuxul iyo Marwadda koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Waris Sh. Maxamed Jirde.

Salaanmedia/Hargaysa