xidhiidhkii go’ay ee Somaliland lala’lahaan jirtay caalamka oo dib u soo nooladey

xidhiidhkii go’ay ee ay jsl la lahaan jirtay caalamka oo dib u soo magoola

Articles


 Akhristoow, Ma ogtahay Qaniimadaha iyo Xadaaradaha ay Italia – Somalia ka dhaxashay dadka iyo dalka J. Somaliland is-dhex-yaacii 1960-kii? Aheey Ah! Maxaa hanti qaali ah gacmaheena ka baxay! By; Cali Cumar Xasan. Qaran ku biiray Qaran kale bal haba kuu dambeeyee, hadii laba qof meheradahooda ay isku darsadaan oo ay ku shuraakoobaan waxa hantida ama lahaan-shaha kale ee ay isku keenayaan weheliya, arimo badan oo marka hore u kala qaybsanaa labada gees, oo ay ka mid yihiin asxaab, macaamiil iwm! In la is taageersadaa oo la is-tukubsadaa mararka qaarkood waa arin wanaag uu ka iman karo, si kale hadii loo eegose waa talaabo ay xumaan iyo hagar-daamooyin badani ku marnaan karaan! Runtuna waxa ay tahay, in dhinaca NATIIJADU ay u ciiraysaa ee ay noqonaysaa Xukunka Allah waa halkiisii ay ku xidhan tahay, hadba sida ay labada garab ee wax wadaagayaa u gartaan ee ay u gutaan waajibka ka saaran dantooda.

Arartaa yar halkaa hadaan hadaba ku yara hakiyo, oo aan turqo halka aan u danta lahaa iyo Khasaarahii ka soo gaadhay Qaranka Somaliland is-raacii waxii la odhan jiray Somalia-Italia 01/07/1960-kii, waxan shaki ku jirin in dadkeenu si mug wayn leh oo aad u faahfaaahsan uga hadlay mudo dheer xasuuqii, xadhigii, kufsigii arxan darada ahaa ee aan loo aabo-yeelin ee laga simay umaddeena sanadihii (1960-1991)! Waxa kale oo aan loo yaraysan wax ka sheegooda baaba’a maal ee mood iyo noolba lahaa ee inaga soo gaadhay Somali-italia intii aan wada-joognay.Hase-yeeshee, waxa aad moodaa in aan hoosba loo dayin ama wali la dhaadin dhaxal-wareega kale ee qaaliga ahaa ee inagu yimid markaan is-dhex-yaacnay Somalia-italia. Akhristoow miyaad ogtahay in Somaliland ay xidhiidh balaadhan oo qadiimi ah oo taxnaa kumanaan kun oo sanadood oo lahaa; mid Baayac-mushtar, diimeed, bulsho iyo siyaasadeed la lahayd dalal iyo dawlado badan oo Caalamka ahaa! Kuwaasoo badidooda ay haatan inaga dhaxashay Somalia-Italia! Wadamadaasi oo xaqiiqatan markii hore ( ka hor is-raac ku sheegii 1960-kii) aan wax xidhiidh ah ama hadii uu jiray mid aan macno buuran lahayn la wadaagi jiray Somalia-italia.

Hadaba, hadaan horaysiiyo oo aan wax yaroo dul-xaadis ah ka soo qaato dhanka Baayacmushtarka oo ay reer Somaliland waliidaba hoodo u lahaayeen. Waxa la qirsan yahay oo aan shaki ku jirin in aynu xadaarad baayac-mushtar oo GUUN ah oo aad loo qadariyo ku lahaan jirnay dunida, waxa markhaati u ah oo la ogyahay in 5000-7000 oo Gu’ ka hor, ay Faraaciintii Masar ku noolayd xiligaa ka qaadan jirtay Fooxa iyo Lubaanka gayiga Somaliand! Taa ka sokow, waxan haynaa in dalalka Carabta, Hindiya, Shiine, Ethiopia iyo dalal badan oo kale oo dunida ah aan iyagana xidhiidho gun-dheer oo baayac mushtar la lahayn kumanaan kun oo sanadood! Aan halkaa yara iftiimiyee akhristoow ma ogtahay, in xoolaha aan inagu u dhoofino wadamadaa ka sokow aan iyaga ka soo qaadi jirnay alaabooyin ay ka mid ahaayeen Cusbada, Dharka, Buuriga, timirta iyo Gaaska oo ahaa BUCSHARADAHA ugu balaadhan ee ay reer Somaliland ka hodmi jireen qarniyadii (16-20aad). Kuwaasoo aan Geeska Afrika iyo Afrikada Bariba ay dadkeenu u iib gayn jireen.
Taa ka sokow, marka laga hadlayo xidhiidhka dhanka Diinta, Siyaasada iyo arimaha Bulshada, dalkeenu waxa uu lahaa Saaxiibo badan oo ay is-faham wanaagsan wada lahaayeen, waxa ka mid ahaa xadaaradihii dunida soo maray ee ay Somaliland iska kaashan jireen dhinacyada aan dusha ku soo sheegay dalka Turkiga ama hadii aan si kale u idhaahdo maamulkii Islaamiga ahaa ee Cusmaaniyiinta, oo aynu labadeenu safka hore kaga wada jireen fidinta diinta Sharifan ee Islaamka ah ee markaa laga waday Afrika! Dhanka kale dawladaha Masar, Yemen, Imaaraadka, Suudaan iwm waxa ay xidhiidh bulsho oo mudakar ah la lahaan jireen walaalahooda reer Somaliland mudo dheer!
Dhanka kale, xidhiidhka baayacmustar ee aan isagu xadka lahayn ee ay dadka reer Somaliland dunida badankeeda la soo kifaaxeen maahee, qarnigii 19aad, markii dadka reer Yurub ay soo galeen dhul waynaha Afrika, waxa ay Somaliland heshiisyo wajiyo badan leh wada-saxeexdeen dawlada boqortooyada ah ee UK. Halkaas oo uu ka unkanmay xidhiidhka Siyaasiga ah ee markii dambena ay ka dhalatay Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland taariikhdu markii ay ahayd; 26/06/1960.
Isku soo duuboo dadka reer Somaliland intii ka horaysay 01/07/1960, waxa ay ahaan jireen dad ka dhex-muuqda caalamka aan ku nool nahay, oo waxna gala waxna guda! Hadaba haatan hadaan is-waydiino halkay ku dambeeyeen xadaaradaheednii? Waxa ay jawaabtu noqonaysaa, waxa ay ka mid ahayaayeen hantiyihii qaaliga ahaa ee aan DIIQO-DA ugu gaynay Walawaynta (1/7/1960), ee ay inaga dhaxleen, midhahoodiina ilaa maantadan ay guranayaan! Ee nasiib daro ay walibamararka qaarkood inaga inagula dagaalamayaan!!
Yaabka Yaabkiisee, waxa MUCJISO ah oo la yaab iyo fajac leh sida aynaan iyaga (Somalia-italia) haba-yaraatee wax wanaag ah jaadka uu doonaba ha lahaadee uga dhaxlin, marka laga reebo Baab’a, Burbur, Nac iyo Dheg-xumo aynaan waligeen iloobi doonin oo ay ina soo gaadhsiiyeen!
Bal waxba hadalku yuu ila simbiidhin oo sii durkina, qushigeeda waxii tagay oo cashar uun baan ka qaadanaynaa ee haatan iyo dan, waxa raynrayn iyo riyaaq inoo ah, hadii aan fursad maantaba helay aan dib ugu soo yabyabno xadaaradeenii hore oo durba, aan arkayno, xidhiidhkii walaaltinimo ee ka dhaxayn jiray reer Somaliland iyo umaddaha Carbeed, ee ay Walwayntu curdin dhadhisay, oo dib u soo fiilaya oo Curub iyo Man cusub durba soo bixiyay! Waa guul wayn oo inoo soo xerogashay ee waxa inala gudbooni waa, inan si fiican uun haramaha iyo xashaashuqa dilaya uga ilaalashano, oo waliba aan Xidhiidhadii kale ee badnaa ee aan la lahaan jirnay dunida kale iyagana dib u baadi-goobno oo aad ugu hawl-galno. Markaasaa ay Somaliland noqonaysaa JAMHUURIYAD sawrac iyo sumad u gaar ah oo aan cid kale lagu khaldin ku dhex leh Caalamka!
F.G; Marti-qaadyada rasmiga ah ee uu Madaxwaynaheenu ka helay dhawaanahan dalalka Turkiga iyo Imaaraadka Carabtu waxa ay naacow (UFO) hor socota u yihiin, Is-bedel wayn oo ku yimid sooyaalkeena, waan unkankii iskaashi iyo walaaltinimo cusub oo dib uga dhex curanaysa Jamhuuriyadda Somaliland iyo Caalamka kale. Waa guul iyo Gomoro kale oo ay dadka reer Somaliland hadana hanteen ee Allah ha inoo Kadbo. Aamiin Aamiin.
Ha jirto Somaliland Oo Ha Joogto
Cali Cumar Xasan.
afraad_4@hotmail.com