Xildhibaan Nac-Nac Oo Iska Fogeeyay Eedo Loo Soo Jeediyay

Xildhibaan Nac-Nac Oo Iska Fogeeyay Eedo Loo Soo Jeediyay

March 29th, 2013 Comments Off

Xildhibaan-Nac-nac

Hargaysa (SM):- Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) ayaa maanta jawaab ka bixiyay warar ku soo baxay wargeysyada oo sheegayay in xildhibaanku farogelin ku sameeyay iskaashatada hilibka.

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye oo shir jaraa’id qabtay waxaa uu iska fogeeyey eedaasi loo soo jeediyay, isagoo ku tilmaamay mid aanay waxba ka jirin. isagoo arrintaasi ka hadlaaya waxaa uu yidhi “wxaan maanta ka jawaabayaa war ku soo baxay wargeysyada qaarkood kuwaas oo leh xildhibaanku farogelin buu ku hayaa iskaashatadda Nafaqo ee hilibka iskaashatadu uma baahna fowdo iyo buuq, sanadka ka hor ayaa aniga iyo xildhibaan kale iyo badhasaabka iyo xoghayaha gobolka iyo masuuliyiin ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha waxaa na loogu yeedhay shirkii iskaashatada hilibka Nafaqo.

Waxa lagu doortey gudoomiye, gudoomiye xigeen iyo xoghaye, waxaanan u tagnay ama ahayn markhaati. Markaa cida hadleysaa waa hogaanka hore ee iskaashatadda hilibka oo diidan in uu xilka wareejiyo isla markaana dhowr jeer lagu xidhay sheegashadda, arrintaasi”.

xildhibaan Nacnac oo hadalkiisa sii wata waxaa uu yidhi “wasaaradda arrimaha, og xeer ilaalinta og, badhasaabka, og wasaaradda xanaanadda xoolaha, og dawladda hoose dhamaantood waa ogaayeen sidii sharciga ahayd ee loo doortay hogaanka iskaashatada Nafaqo ee hilibka, waxaana leeyahay ama u soo jeedinayaa hogaankii xilka laga bedey ee hore, xilku waa meerto, marba nin baa jooga, kuwaanba hadday shaqeyn waayana waa la bedeli, markaa wa in aad xilka iska wareejiso oo aad u dhiibto cida loo doortay. Hilibku waa laf dhabar waana wax u baahan in laga ilaaliyo buuq iyo isqabqabsi mana jiro wax xildhibaan ah gacanta aan kula jiro ama wax farogelin oon ku hayo, eeduna waa markhaatiga shirkaasi aanu goobjooga ka ahayn ee lagu doortay hogaanka xilligan ee iskaashatadda hilibka Nafaqo”.

Salaanmedia/Hargaysa