Xuska Maalinta Biyaha Aduunka Oo Laga Xusay Gobolka Gabiley Iyo Maamulka Heer Gobol Iyo Heer Degmo Oo Ka Qayb Galey

Xuska Maalinta Biyaha Aduunka Oo Laga Xusay Gobolka Gabiley Iyo Maamulka Heer Gobol Iyo Heer Degmo Oo Ka Qayb Galey.

Gabiley (SM) Maamulka Shirkada Biyaha ee Zam-Zam ee Magaalada Gabiley ayaa soo qaban-qaabiyay Munaasibad balaadhan oo lagu xusaayay maalinta biyaha aduunka, oo lagu qabtay Hotel Qasrul-cabdala ee magaalada Gabiley.
.
Munaasibadan oo ahayd mid siheer-sare ah loo soo agaasimay ayaa waxa ka sooqayb,galay Badhasaab kuxigeen ka Gobolka Gabiley Cali Cabdi C/laahi , Mayarka Magaalada Gabiley shucayb Maxamed Muuse, xildhibaano katirsan Golaha deegaanka degmada Gabiley, isuduwaha wasaarda Macdanta Biyaha ee Gobolka Gabiley, cuqaal, waxgarad iyo martisharaf kale Oo Tiro Badan.
.
Waxaana uguhorayn halkaasi ka hadlay maareeeyaha Shirkada biyahaeezam-zam ee magalada gabiley Ibraahim Ismaacil maxamed, waxaanu yidhi “maanta waxaynu xusaynaa maalinta biyaha aduunka, ujeedada xafladi waa inaan iska xasuusino oo aan ka hadalno,waxyaabaha biyaha kusaabsan oo danaheen iyo nolasheenba ah ,biyuhu waa nolasha, waxaan loo baahan yahay inay ka hadalno waxyaabaha soo wajahaya, iyo siddi loo horumarin lahaa” Ayuu Yidhi Ibraahim Ismaacil maxamed.
.
Isuduwaha wasaarada macdanta iyo biyaha ee gobolka gabiley xasan maxamud cumar , ah masuuliyiinta shirka samsam ayaa isaguna halkaasi kahadalay, waxaanu ka sheekeeyey marxaladihii kala duwanaa ee ay soo mareen biyaha magaalada gabiley laga cabo waxaan hadaladiisii ka mid ahaa “gabiley sistemka biyaha waxaa loo sameeyey 1974, waxaana lagu bilaabay ceelka yare e qalax agteed ka qodan, oo marka hore ujeedadiisu ahayd ina iskuulka loo qodo, ayaa lagu soo talaaley magaalada, waxaan la inooga baahan yahay inay ilaalino, oo aynu kaantaroolno biyaha”.
.
Waxa kale oo halkaasi ka Hadley caaqil maxamed cabdi qawdhan iyo maamulaha shirkada Telesom sh.maxamed muumin Aadan iyo masuuliyiin kale, waxayna dhamaan tood ka hadleen sida ay biyuhu lagama maarmaanka uyihiin nolaha, waxayna dadweyanaha kula dardaar meen inay farsameeyaan biyaha oo ay ilaaliyaaan.waxayna soo dhaweeyeen waxqabadka shirka adeeg biyaha ee zam-zam.
.
Maayerka magaalada gabiley shucayb maxamed muuse,waxaanu ka dhawaajiyey inay golaha deegaanka u qorshaysan tahay inay waxbadan ka qabataan baahida biyaha ee ka jirta magaalada gabiley , waxaan hadaladiisii ka mid ahaa “waxaa u qorshaysan golaha deegaanka ee degmada gabiley inay xilweyn iska saaraan biyaha ay cabaan dadweynaha reer gabiley,waxaan amaan usoo jeediyey shirka adeeg biyaha iyo wasaarada macdanta iyo biyaha isada wadaagsan, ee ay xil isagasaaraan biyaha magaalada”.
.
Gabogabadii waxaa halkaasi ka Hadley badhasaab ku xigeenka gobolka gabiley cali cabdi c/laahi, waxaanu Hadley faa,iidooyinka biyuhu ay lee yihiin,waxaanu bulshada kula dardaarmey ilaalinta biyaha waxaanu yidhi “biyuhu waa tiirka koowaad ee nolasha, waxaa looban yahay ina xilweyn la iska saaro, gobolak gabiley waxa uu ku talaabsadey siyaasada ku saleysan wasaarada macdanta iyo biyaha, bulshadu wakhti roobaadka haka faa,iideystaan”.
.

Salaanmedia/Gabiley