War deg-deg ah….. Margaret Thatcher oo geeriyootay

Margaret Thatcher ayaa geeriyootay

 8 Abriil, 2013, 12:01 GMT 15:01 SGA
margaret-thatcher_1725675c
Margaret Thatcher waxay ahayd Raiisul Wasaare intii u dhaxaysay 1979 ilaa 1990

Raiisul Wasaarihii hore ee dalkan Britain, Margaret Thatcher ayaa geeriyootay kadib markii xididada maskaxda dhiigga ku shuba ay istaageen, sida uu sheegay Afhayeenkeeda.

Lord Bell waxa uu yiri: “waa murugo weyn in Mark iyo Carol Thatcher ay ku dhawaaqaan in hooyadood Baroness Thatcher ay si nabad ah u geeriyootay markii uu ku dhacay cudurka stroke saaka. Warbixin dheeraad ah ayaa goor dambe la soo saari doonaa.”

Baroness Thatcher waxa ay ahayd Raiisul Wasaare ka tirsanaa xisbiga muxaafidka ee dalkan sanadihii u dhexeeyay 1979 ilaa 1990.

Waxa ay ahayd haweeneydii ugu horreysay ee qabata jagadaasi Raiisul Wasaaraha UK.

 

Salaanmedia/London