Warsaxafadeed xisbiga WADDANI…Guddida Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xisbiga WADDANI

Guddida Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xisbiga WADDANIwadani6
 
SAAMAYNTA DHAWAAQII WADDANI EE SHIRKA TURKIGA
Muxuu ka beddeley Dhawaaqii Xisbiga Waddani majarihii Xukuumadda iyo Suaalihii ku Gadaanaa Shirka Turkiga? Marka hore, Xisbiga  Waddani wuxu ka gilgishay in ay Xukuumaddu oofin weyday ballanteedii ay kana hadashay  inay wadatashi qaran ka samayso  ka qayb galka shirka Somalia loo qabanayo ee London ka dhacaya bisha shanaad iyo wada hadalada Somaliland iyo Somaliya isla markaana ka dhega adaygtay inay Xisbiyada Mucaaridka ah talo ka siiso shirka Turkigu. Shirku markii hore wuxuu ahaa, wax quraarad madow oo xukuumaddu sidato ku jira, laakiin maanta waa yaryahay waxa qarsooni, ka dib dhawaaqii Xisbiga WADDANI:-
  1. Waxaynu ognahay inuu madal dhexdhexaad ah uu Turkigu bixinayo, sida iyaga iyo Ingiriiskuba sheegeen oo aanuu saamayn dhexdhexaadineed ku lahayn;,
  2. Waxaynu ognahay in dawladihii hore iyo Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysaa ee hore u galay wadahadaladii koowaad ee Somaliland iyo Somaliya ay joogi karaan haddii sidaa ay Somaliland dalbato oo aanuu Turkiga uun ku koobnaanayn.
  3. Waftiga Somaliland dawladihii deriska wuu sii maray, oo weliba wada tashi daneeyeyaashii muhiimka ahaa ee gobolka iyo caalamkaba ay u furantahay. 
  4. Waxa mudnaan gaar ah leh in Xisbiga Waddani ay Madaxweynaha iyo Wasiiradiisa fadhi Qarsiga Madaxtooyada ku wada yeesheen bishan 8dii oo ay ka wada hadleen afkaarna iska weydaarsadeen in laga wadatashado arrimaha masiirka ummadda saamaynaya iyo sida ay Xisbiga uga go’anatahay arrintaasu.  
Sidoo kale waxa uu dhawaaqii Xisbiga WADDANI keenay in ay dad badan oo magac ku leh ummadda dhexdeeda oo aan Xisbiga ahayni  taageeraan mowqifkaas halkaana ay fursad iskaashi oo dhex ahi ka soo iftiimayso, WADDANIna  uu aad u soo dhaweynayo. 
Haddaad dib u eegto, dhawaaqii Xibsiga WADDANI, waxaad arakaysaa in  shuruudihii uu ku xidhay Xukkumadda ay intoodii badnayd fuleen. Sidaa darteedna  uu ku qancay in ka maqnaanshihiisa shirka ay caalamka ugu muuqanayso in Somaliland aanay midaysnayn, taasina ay awoodeena wada xaajoodka wax u dhimi karto. Wax badan baynu xeerinaynaa, laakiin marna ma oggolaanayo WADDANI in ay Xukuumaddu baalmarto awoodda dastuuriga ee Xisbiyada mucaaradka oo bulshadii soo dooratay codkoodii iyo doonistoodii ay halkaa ku lumaan.
Somaliland waa dal dimuqraadi ah oo marwalba dadku uu xaq u leeyahay in aan madaxdiisu caadaysan in ay qarsoodi wax ku maamulaan, oo weliba wadahadalada Somaliland iyo Somaliya. Xisbiga WADDANIna wuxuu ku dhaqmaa habkaa dimuqraadiga ee talawadaagga buuxa ee gudihiisa, iskuna xidha hawlgalkiisa dibad iyo gudaba. Sidii looga hawgalay shirka Turkigana, Guddoomiyaha iyo madaxda iyo Guddiyada Xisbiguna way ka midaysnaayeen arrimaha shirka Turkiga.
Wabilaahi Tawfiiq
Guddida Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga