Masuuliyiin sare iyo taageerayaasha Xisbiga Waddani UK oo si baaxad leh u soo dhaweeyey Gudoomiye Cabdiraxmaan Ciro..Daawo Sawiro

Masuuliyiin sare iyo taageerayaasha Xisbiga Waddani UK oo si baaxad leh u soo dhaweeyey Gudoomiye Cabdiraxmaan CiroIMG_0305Salaan media_083IMG_0303IMG_0285Waxa xalay (Sunday) 21:30 magaalada London soo gaadhey Gudoomiyaha Barlamaanka Somaliland ahna Gudoomiyaha Xisbiga Waddani mudane Cabdiraxman Maxamed Cabdilaahi Ciro. Gudoomiyaha oo kazoo kicitimay dalka Turkiga uu kaga qayb galay shirkii Somaliland iyo Somalia ayaa waxa si baaxad leh garoonka Hethrow ugu soo dhaweeyey taageerayaasha xisbiga waddani oo uu horkacayey gudoomiyaha xisbiga ee UK Mr Axmed Cali (Naahi), Xogahaya Arimaha gaarka ah ee Xisbiga Waddani Mudane Xuseen-Asad, Gudoomiyaha Europe Mudane Cismaan, Xubno fulinta heer qaran ah, xubno gudiga UK iyo iyo taageerayaal tiro badan oo ka kala yimi dhammaan laamaha iyo qaybaha waddankan Britain

IMG_0285IMG_0334IMG_0257

IMG_0343

IMG_0283

IMG_0305

IMG_0316

dddddIMG_0287

IMG_0260IMG_0323IMG_0289IMG_0261IMG_0258IMG_0295IMG_0319IMG_0347IMG_0337IMG_0339IMG_0343IMG_0334

Gudoomiyaha oo dhoola cadaynaya kuna faraxsan soo dhawaynta diiran ee taageerayashiisu usameeyeen ayaa mid mid u gacan qaadey dhammaan rag iyo dumarba dadwaynihii u taagnaa soo dhawayntiisa. Gudoomiye Ciro ayaa la filayaa inuu mudo usbuuc ah ku nagaado dalkan UK isagoo warbaahinta u sheegay inuu inta uu joogo la kulmi doono, bulshada reer Somaliland, taageerayaasha xisbigiisa iyo xubno ka mida dawlada Britain. Gudoomiyaha oo cabbaar ku sugnaa madaarka gudihiisa aaadna u raali geliyey dadwaynihii soo dhaweeyey isagoo dhammantood siiyey fursad ay ku salaamaan ama sawiro kula galaan ayaa ugu dambayntii loo gelbiyey Xagaa iyo Huteelka loo qoondeeyey inuu ku nasto mudada uu ku sugan yahay cardigan Boqortoyada Ingiriiska

 

Xamse A. Salaan

www.salaanmedia.com

London