Wefti uu Hoggaaminayo Wasiirka Dib u dejinta Somaliland Oo gaadhay Finland

April 16th, 2013 Comments Off

HELSINKI (SM)-Wefti Balaadhan oo uu Hogaaminayey Wasiirka Wasaarada dib-udejinta Somaliland Md Saleeban Ciise Axmed ( Xaglo-toosiye). Ayaa soo gaadhay Magaalada Helsinki Ee Caasimada Dalka Finland.

Weftigan oo ka koobnaa afar xubnoon oo kala ah Wasiirka Wasaarada Dib-udejinta Somaliland Md Saleeban Ciise Axmed, Madaxa Hay’ada Socdaalka Somaliland Md Maxaemd Cali Yuusuf, Lataliyaha Wasaarada Dib-udejinta Somaliland Md Cabdilaahi Faarax, Xubin Ka socotay Hay’ada IOM Somaliland Md Mubaarik Mohamed, ayaa waxay soo gaadheen xalay Magaalada Helsinki, iyadoo ay ku yimaadeen Casuumad Rasmiya oo ay ka heleen Dawlada Finland.

Markay soo gaadheen gegida diyaaradaha Ee Magaalada Helsinki ayaa waxaa kusoo dhaweeyey xubin sare oo ka socotay hay,ada Socdaalka Wadankan Finland iyo qaar kamid ah jaaliyada Somaliland ee dalkan ku dhaqan oo uu horkacayey Gudoomiyihi hore ee hay’ada qurba jooga Somaliland Md Saleebaan Maxamed Faarax ahna isku xidhahaha weftiga iyo xukuumada Finland.

Weftigan ayaa xalay markay soo gaadheen magaalada Helsinki hadal kooban oo uu goobta ka jeediyey Wasiirku waxa uu sheegay inay wadankan Finland ku sugnaan doonaan mudo gaadhaysa shan maalmood, isla markaana ay kulamo kala duwan la qaadan doonaan, Wasaarada arimaha Gudaha Ee Finland, Hay’ada Socdaalka Finland, Madaxda baarlamaanka Finland iyo madax ka tirsan hay,ada IOM, iyo Jaaliyada Somaliland ee ku dhaqan dalkan Finland.

Saaka oo ay taariikhdu ku beegantahay 16.04.2013 ayaa waxay weftigu ka qayb galeen Siminaar balaadhan oo looga hadlayey arimo badan oo khuseeya Somaliland.

Siminaarkan ayaa waxaa kasoo qayb galay madax kasocota dawlada Finland oo ay kamid ahaayeen Mrs Marja Anttoora oo ah Xog-haya Joogtada ah ee Wasaarada Arimaha Gudaha ee wadanka Finland. Sidoo kale waxaa kasoo qayb galay Mr Joost Vander oo ah Madaxa IOM-ta ee wadanka Norwey. Iyo Mr Said Guled Xidhiidhiyaha IOM Finland ee Mida-Finsom

Siminaarkan ayaa warbixino kala duwan waxaa kasoo jeediyey Wasiirka Wasaarada Dib-udejinta Somaliland Md Saleebaan Ciise Axmed, Lataliyaha wasiirka Wasaarada Dib-udejinta Somaliland Md Abdullahi Faarax, Madaxa Hay’ada Socdaalka Somaliland Md Mohamed Ali, Yusuf.

Wasiirka ayaa ka hadlay xaaladaha kala duwan ee ay Somaliland soo martay, horumarka la taaban karo ee ilaa hadda ay gaadhay, iyadooo wasiirku uu sheegay in ay Somaliland maanta ay taagan tahay meeshii ugu wanaagsanayd loona baahan yahay in bulshada caalamku ay ka qayb qaataan baahiyaha kala duwan ee ka jira guud ahaan Somaliland. gaar ahaan Wasaaradiis.

Madaxda kale ee kamid ahayd weftiga ayaa ka sheekeeyey qaybha kala duwan ee ay matalayaan, dhamaantoodna waxay tilmaameen in-loo baahanyahay xidhiidh saaxiibtinimo oo dhaw inay yeeshan Dawlada Finland Iyo Somaliland.

Madaxda kale ee kasocday Dawlada Finland iyo Hay,ada IOM, Ayaa soo dhaweeyey imaatinka weftiga, tilmaamayna inay ku faraxsanyihiin joogitaankooda wadankan Finland, horena ay Finland gacan uga gaysatay qaybo kamid ah horumarka Somaliland, hadana ay diyaar layihiin wixii kaalmo ah ee kale.

Siminaarkan ayaa hada wuxuu kusoo gebagaboobay jawi ad uwanaagsan, inta ay ku suganyihiin weftiga uu hogaaminayo Wasiirka dib-udejina Somaliland ee kusugan wadankan Finland, kulamada ay la yeeshaan madaxda dalkan iyo guud ahaan wixii kusoo kordha waan idinla socodsiinaynaa marwalba insha allaaah

Dhanka kale waxaa xusid mudan Wasiirka Iyo Weftida uu hogaaminayaba inay la-kulmi doonaan Jaaliyada Somaliland ee ku dhaqankan wadankan Maalinta jimcaha ah ee fooda inagusoo haysa taariikhduna ku beegantahay 19.04.2013 hadi rabi idmo, saacaduna ay tahay salaada jimce kadib 14:00 -17:00 .

Salaanmedia/Finland