Salaan Media - Warbaahin Dhex-dhexaad ah

Yurub Baan ka Gacan Haadiyaa Markaan Guuraawee

Yurub Baan ka Gacan Haadiyaa Markaan Guuraawee

April 23rd, 2013

Prof. Maxamed Siciid Gees – London, UK

Markii uu Sucuudiga uu u dilaacay Shidaalku sanNadadii kun iyo sagaal boqol iyo kontomaadadii, ayaa reer Somaliland badani u tacabiray oo u xoogsi tegay. Waxa hadal-haysku ahaa; “Ninkii Da’yaraa Dahraan Qabay.” Dahraan oo ahayd xarunta shidaalka, waxa Turjumaan gaar ah u ahaa Boqor Sucuud oo heshiiyada uu sharkadaha la galo u tarjumi jiray muwaadin reer Somaliland ah oo uu Boqorku ku aaminay sirtiisa . Waxa uu ahaa Marxuun Axmed Jimcaale, war bal day.

Axmed waxa uu isna la dhacay oo uu sheekadiisa la yaabay muwaadin kale oo reer Somaliland oo markaas yagleelay waxbarashada reer Somaliland oo mushaharkiisii ku dhisay dugsigii u horreeyay oo ahaa Sheekh Bashiir, Muwaadinkaas oo ahaa Marxuun Maxamuud Axmed Cali.

Axmed Jimcaale waxa uu u soo fasax qaatay si uu u arko Maxamuud Axmed Cali, waxa uu ku soo beegmay Maxamuud oo kormeer Goballada Bari ugu maqan markaas, halkaas ayuu kaga daba tegay oo ku gaadhay Lascaanood oo la soo maray kormeerkii, dabadeed waxa uu gabadh ka doonay Maxamuud. War bal dadkaas eeg wanaagooda iyo waddaniyadooda, ayaan-darro waxaasi midawgii ayaa cunay oo dabool saaray. Labada halyeeyba waddanka dibeddiisa ayey ku dhinteen.

Waxa aan nasiib u yeeshay inaan ka mid noqdo ardaydii ka aflaxday Dugsigaas Sheekh Bashiir oo ahaa furihii waxbarashada Somaliland. Waxa uu istaahilaa in dabaqyo laga dhigo oo tujuurta la jaarka ihi ay maamuusaan haddii Maxamuud Axmed Cali iyo Yuusuf Xaaji Aadan ay mushaharkoodii ay ku dhiseen oo marka la isku daro ahayd laba boqol iyo konton rubood.

Haddaba, waqtigaas waxa reer Somaliland odhan jireen oo aan ku koray in Shidaalka Sucuudigu uu ka tago dhulkan Somaliland oo haddii halkan laga qodo uu ka joogsanayo. Shidaalkii la saadaalinayey hadda ayuu dhaboobayaa ee sidee u calfan karnaa?

Markii Somaliland la yagleelayey waxa ugu adkayd sida cashuur lagu qotomiyo hay’adaha dawladnimo loo qaado oo dadku u oggolaadaan. Marxuun Cigaal ayaa la shiray ganacsatada oo u bandhigay tacrifada la doonayo in wax lagu cashuuro. Waxa ganacsatadii tidhi; “War cashuur iska ilaaw ee la kalay miisaniyada aad u baahan tahay annaga ayaa bixinaynee!” Dawlad miisaniyadeeda loo yaboohayo, Mindhaa waaba dhici kari lahayd innaga ayuunbaa sidan u bawsanay oo Khawaajayaashu innagu yidhaahdeen eh. Mooji.

Si kasta ha ahaatee, waa la maareeyey oo waxa wax laga siiyey cashuurtii ama dakhligii dawladaha hoose. Maanta dakhliga soo gala Hargeysa, Berbera, Burco, Gabiilay, Borama, iyo Saylac weligii ma soo gelin .Miisanyadoodu waxay ka badan tahay ta Dawladda Federalka ee Soomaaliya soo saarto. Xukuumaddii Madaxweyne Cigaal ayaa Golihii oo shir leh ayaa Wasiirkii Arrimaha Dibadda ee waqtigaas Marxuun Fagadhe oo wefdi geeyey Berbera ayaa ku doodaday in dhaqaale la geliyo Berbera lagu horumariyo. Waxa Madaxweyne Cigaal ku jawaabay; “ Berberi way haysataa dhaqaale ku filan ee Illaahay dadkeeda ha ka nabadgelyo.”
Maanta Dawladaha Hoose ee magaalooyinkaasi waa ay haystaan dhaqaale bulshada ku nool wax loogu qabto ee madaxdooda Illaahay ha ka nabadgeliyo. Magaalooyinka barina ka badan 2% (labada boqoley) ee cashuurta ah, dakhliga ka soo baxaa haddii ay Wasiirradooda iyo Odayaashooda ka nabadgasho. Habkaas dakhliga lala qaybsaday Dawladda Dhexe ayaa dadkii ku kala jeensaday, waa falsafadii reer miyiga ee dhaqanka Soomaalida ee beesha meel wada degani ay mar wada shidhaystaan oo waa la is war geliyaa si aan la isu martiyin. Isma cawrido ayaa la yidhaahdaa.
Haddaba, Shidaalkii waa uu soo socdaa, wadammo badan oo Afrika iyo Carabta ahba waa lagu guul-darraystay oo waxba kama beddelin noloshii bulshada ee rabshad iyo xasilooni-darro ayuu keenay. Waxa uu dakhligii ku dhacay dad kooban jeebkood iyo dilaalin Khawaajayaal ah iyo Bankiyo shisheeye. Isma doorin gaalkan dirayo daarta kii galay eh. Sidii cashuurta loo qaybiyey ma u qaybinaa oo Golayaashani ma dejinayaan sharci qaybintaas dhigaya?

Ka-warran haddii boqolkiiba afartan (40%) dakhliga ka soo xerooda shidaalka loo qoondeeyo qolooyinkan: Degmada lag soo saaro shidaalka, Gobolka ay ku taal;. Dhuunta shidaalku Gobalka ay sii dhexmarta iyo Caruurta dhalan doontaa iyo faca dambe dhigaal loo dhigo. Qaybta soo hadha oo ah boqolkiiba lixdan(60%) waxa iska lahaanaya Dawladda Dhexe, dabadeed waa la kala jeensanayaa oo laysma kuunyayo. Waa qaybintii Dhurwaaga saw ishu nalaga soo tuuree. Qaybinta Dawacada ma fado.

Sheekada qaybinta Hasha ee dawacada iyo Dhurwaaga aan dib u habayno ee sida ay hadda tahay, waxay caruurta baraysaa in ninkii xoogga leh la siinayo sad–bursiimo oo talada dawacadu sax tahay, ee aan si is le’eg wax loo qaybsanayn oo qaybinta dhurwaaga lagu dhimanayo. Sida ay hadda tahay waxay ka hor imanaysaa dimuqraadiyada iyo wax wada lahaanshaha.




Leave a Reply