Gudoomiye Cabdiraxmaan Ciro oo aqalka Barlamaanka Ingiriiska lagu soo dhaweeyey…Daawo Sawiro

IMG_4082

G Barlamaanka Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Cabdiraxmaan Ciro) iyo qaar ka mid ah madaxda Xisbiga Waddani ayaa shalayto lagu soo dhaweeyey aqalka Barlamaanka Ingiriiska halkaas oo ay ku qaabileen qaar ka mid ah Barlamaanka Ingiriiska oo kala ah  MP Stephen Doughty Cardif South And Peanth iyo MP Rushanara Ali for Bethnal Green and Bow in East London.

IMG_3025

Ugu horeyn Gudoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi waxa uu u mahad celiyey sida wanaagsan ee aad noogu soo dhaweyseen aqalka Barlamaanka Ingiriiska,waxa uu uga waramay xaaladda Guud ee Somaliland wakhtigan ku sugan tahay,Arimaha Siyaasadda ee ugu danbeeyey gaar ahaan shirkii dhawaan ka dhacay Turkey ee ku saabsanaa Somaliland iyo Somali, Dhinaca kale waxa uu warbixin ka siiyey Baarlamaanka Somaliland iyo kulamo uu kula soo yeeshay  madax ka tirsan dalal ka mid ah Yurub oo uu dhawaan soo maray.

IMG_4078

Mudane Cabdiraxmaan dhinaca kale uu warbixin ka siiyey intii uu ku sugnaa dalkan Ingiriiska kulamadii uu la yeeshay jaaliyadda Somaliland ee dalkan ku nool waxaanu dawlada Ingiriiska ku amaanay sida ay arimaha Somaliland iyo shacabka dalkan kunoolba ay uga war hayaan dhinac walba.Waxaanu ku booriyey in dawlada Ingiisku ay arimaha Somaliland iyo ictiraafkaba nagala shaqeeyaan si aan u gaadhno ictiraaf buuxa oo aanu ka helno caalamka,Waxaanu si gaara ugu mahad celiyey xildhibaanadda laga soo doorto Cardif oo had iyo jeer u heelan horumarka iyo la shaqeynta shacabka reer Somaliland.

IMG_3023

MP Stephen Doughty Cardif South And Peanth ,Waxa uu dhinaciisa ugu mahad celiyey Gudoomiyaha Barlamaanka Somaliland iyo waftiga ku wehelinaayey warbixinta guud ee aad naga sii seen Somaliland iyo horumarka xag walba ee Somaliland ku talaabsatay,waanu ka dheregsan nahay xaaladda Somaliland.Waxa kale oo uu Mr MP Stephen Doughty sheegay in uu aad ula dhacsay yahay sida hawlahu u socdaan iyo wada hadaladda Somaliland iyo Somalia oo uu ku sheegay in ay tahay horumar ay Somaliland ku talaabsatay  ee xaga siyaasadda iyo guud ahaanba horumarka dalka.
Xildhibaan MP Stephen Doughty in xaga kale uu xidhiidh wacan la leeyahay shacabka reer Somaliland ee dalkan Ingiriiska ku nool gaar ahaan magaaladda Cardif iyo agagaarkeeda oo aad uga warhayo iyo weliba shacabka reer Somaliland oo ah bulsho in badan deganaa Cardif horumar badana ka sameeyey dhinacwalba.

IMG_4084

MP Rushanara Ali for Bethnal Green and Bow in East London oo ah xildhibaan laga soo doorto xaafadda Bethnal Green iyo Bow oo ay aad Somalilandku ugu badan yihiin ayaa iyana si aad ah usoo dhaweysay gudoomiye Cabdiraxmaan iyo waftiga la socday,waxayna sheegtay in ay aad ugu faraxsan tahay in aynu kulano iyo warbixinta aad dalka Somaliland naga siiseenba waxayna ku hambalyeysay Somaliland horumarka ay gaadheen iyaga oon wax ictiraafa haysanin.

IMG_4091
Waxa kale hadalo koo-kooban kasoo jeediyey kulanka qaar ka mid ah madaxdii ku wehelinaysay Gudoomiye Cabdiraxmaan,waxaanu kusoo dhamaaday si aad u quruxbadan oo la isku afgartay in lasii wado xidhiidhka iyo xogwaranka hadba xaaladu halkay marayso.

Xamse Axmed Salaan
London
www.salaanmedia.com