Deeq raashin ah oo gudida Schoolka dhagoolayaasha Burco ku wareejiyey Schoolka.

 Burco,27,4.13.Ardayda Dhegoolayaasha ah ee wax ka barata iskuulka dhegoolayaasha ee Magaalada Burco ayaa markii ugu horaysay la gaadhsiiyay deeq raashin ah oo ka kooban Boqol kiish oo isugu jira daqiq iyo sonkor,


deeqdani Oo kamid ah deeqdii ay dhawaan bixisay dawlada Turkigu ayaa saaka loogu qaybiyay Xarunta ay wax ku bartaan Ardaydaasi dhegoolayaasha ahi.


Caruurtani Dhagolayasha ah oo ay ku jiraan kuwo agoon.Rajo iyo danyar ah ayaa waxaa halkaas hadalo soo dhawayn iyo baaq isugu jira ka jeediyay Gudida iyagu isu xilqaantay in wax loo qabto ardaydaasi dhegoolayaasha ah,Macalimiinta wax barta caruurtaasi iyo waliba qaar ka mid ah waalidiinta ardaydaasi.


waxaana ugu horayn halaas ka hadlay Agasimaha Haayada WFP Ee Gobalada Bariga S/land isla markaasna ah ka mid ah Gudida school-ka dhagolayasha Burco.waxaanu sheegay inay maanta ardayda dhagolayasha ah loo qaybin-doono 100 kiish oo raashin ah kuwaasi oo uu shegay inay ka mid tahay mucawinadi ay dowlada turkigu soo gadhsisay somaliland.


Sidoo kale waxa isna halkaasi ka hadlay Jaamac X.Axmed oo ka mid ah Gudida dhegoolayaasha waxaanu sheegay in loo baahan yahay sidii loo tageri-lahaa ardaydaasi dhagaloyasha ah,waxaanu ka mid ahaa Hadaladasii ”Anagu hadii aanu nahay Gudida dhegoolayaasha waxaanu doonaynaa in aanu bas u iibino ardayda waayo iskuulkii loo dhisay ayaa meel fog ku yaala ,Markii hore dadku wax feker ah kamay haysan dadkan dhegoolayaasha ah iyo xaalada ay ku noolyihiin,intii aanu hada wadnay waxaa noo suura gashay in aan iskuulkii u dhisno,saakana waxanu halkan isugu nimi in aanu raashinkii ay dawlada turkigu bixisay u qaybino kaas oo ka kooban Boqol kiish oo isugu jira daqiiq iyo Sonkor,Raashinkana wax leh ardayda dhegoolayaasha ah oo calaa shaqsi baa loogu qaybinayaa” Jamac X- axmed

Cali mahdi oo ka mid ah Gudida dhegoolayaasha ayaa isna halkaas baaq uga diray Bulshada.waxanu yidhi”Waxaan leeyahay oo aan Bulshada Islaamka iyo ta somalidaba aan leeyahay wali way taagantahay baahidii ardaydan dhegoolayaasha waayo iskuulku hada meel Fog buu ku yaalaa lacagta hada aanu u haynaana kuma filna bas,ardaydan halkan ku jirta waxa ku jira qaar agoon ah iyo rajo oo aan laxaadkii ay wax ku maqli lahaayeen aan lahayn ,Ardayduna marba marka ka danbaysa way sii kordhaysaa,waxaan leeyahay wax hala soo taro oo hala soo caawiyo,waana dad Bulshada ka mid ah” Cali Mahdi


Maxamed Muuse oo ka mid ah Gudida dhegoolayaasha,qaar ka mid ah waalidiinta dhegoolayaasha iyo maamulaha iskuulka mawliid Xasan C/laahi,macalin Axmed C/raxmaan ismaaciil.

 

 

 

ayaa iyaguna ugu danbayn halkaas baaq uga diray cidii haysata ilme dhegoole ah inay keenaan iskuulkan si wax loo baro waxaanay Xuseen in lo baahanyahay in iskuulkan iyo ardaydan loo helo Fiidhin( Cuno) ay wax ku bartaan.

Si kastaba ha ahatee waa markii ugu horaysay Oo Deeq Noocan Oo kale ah la soo gadhsiyo ardayda Dhagolayasha ah Ee Magalada Burco.

Salaanmedia/Burco