Warqad qoraal ah oo qaybo kala duwan uga hadlayoÂ
Suldaanka guud ee beel weyna irir samaale Suldan Abdikariim Farah Ibrahim kuna
 wajahan gayiga Somalida,
   Waaxayna u dhigneey sida tan
Suldaan ku waxuu hadalkiisa ku bilabay isagoo
ka hadlaaya wada hadalkii dhexmaray SomalilanÂ
iyo Somaliya kuna dhex maray wadanka Turkiga,
waxuu yidhi Suldaanku wada hadalku waxuu ahaa
mid ad u wanagsan loona maareeyey sidii uuguÂ
fiicneeyd.Â
waxanad moodaysay inay labada dhinacbaÂ
ka ilaliyeen inuu hadalka reebo wax xanaf ah.
waxanan rajaynayaa inuu ku dhamaado guul labada
Wadanba dan u ah, waxaan labada madax weyne
iyo warfuudii la socotayba uuga
mahad celinayaa sidii wanaag saneeyd ee
ay u galeen shirka iyo qodobadi ayka sooÂ
sareen.
Waxaa kaloo Suldaanku si kulul uuga hadlay
shirka ka socda magaalada Kismaayo kunaÂ
tilmaamay mid baal marsan shuruucda wadanka
uyaala maadama haba yaraatee kasoo bixin
shuruuudihii u yaalay maamul u samaynta
maamul goboleed yada ,
Waxaanu Suldaanku ku tilmamay inay shirkaasi
wadaan kooxo laga soo abaabulay Wadamo
shisheeye oo ay ka mid tahay Kenya
waxaanu baq u dirayaa Suldaanku ururÂ
Goboleedka Egad midowga Afrika
iyo Dowlada dhexe ee Somaliya
waxaanu usoo jeediyey inay sida uguÂ
dhakhsaha badan uuga hor tagaan
inay maamulkasi gacanta u galo
cid khaasa oo dadka deegaankuna
marti ka noqdaan.
waxaa kaloo Suldaanku sodsi usoo jeedyey
shacbiga Somaaliya gaar ahan kuwa ku
dhaqan gobolka Banaadir kana codsaday
inay la shaqeeyaan ciidamada amaanka
si ay uuga bad baadaan bamka iyo
qaraxyada ay la beegsanayan kooxahaÂ
manaxa yaasha .
Sidoo kale waxuu Suldaanku la hadlayÂ
shacbiga ku dhaqan Somaliland
isagoo usoo jeediyey inay dagaal
adag la galaan maan dooriyaha qaadkaÂ
oo dhaqaale ahaan nafeyey Somaliland
kuna badalaan cunida qaadka iyo wakhtigaÂ
kaga luma barashada tacliinta iyo
wax soosaarka dalka beeraha kaluumaysiga
iyo dib u dhiska dalka iskaa wax u qabso.
Sidoo kale waxuu Suldaanku baaq usoo jeediyey
Xukuumada Somaliland uu Madaxwayne ka yahayÂ
Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo
kufsi la sheegay inuu ka dhacay degmada
xudun kaasoo la sheegay in loogu geeystayÂ
haweeney dhalin yaro ahÂ
kufsigaasoo lagu eedaynayo xubno kaÂ
tirsan ciidamada amanka somaliland
arintasoo hadii ay jirto dhaawac ku ahÂ
shacbiga dalka dadka iyo ciidamada kala
duwan ee qarankaba
Waxanan jeclahay hadii ay jirto xubno falkasiÂ
ku kacay in maxkamad lasoo taago
lana marsiiyo sharciga dalka uyaalaÂ
dhinaca kufsiga.
Suldaan ku waxuu hadalkiisa kusoo
gaba gabeeyey duco oo uu u duceeyey
guud ahaaaaan soomalidaÂ
isagoo ale uuga baryey nabad galyoÂ
iyo barwaaqo iyo wada noolaansho wanagsan
WABILHI TAWFIIQ
Afhayeenka Sandalada Fardooleyda Bariga Afrika