War deg Deg Ah—Puntland iyo Dowlada Federaalka oo kala boodey, Xasan Sheikh oo xanaaq kaga dhoofey Garowe

War deg Deg Ah—Puntland iyo Dowlada Federaalka oo kala boodey, Xasan Sheikh oo xanaaq kaga dhoofey Garowe

Garowe–29 April

Madaxtooyada Puntland ayaa natiijo la’aan kusoo dhamaadey ka dib markii labada dhinac ay dhowr qodob isku mariwaayeen, Madaxweyne Xasan Sheikh isagoo xanaaqsan ayuu Garowe ka dhoofey goor dhaweyd.

Kulamada Xasaasiga ah oo saacado ka hor kusoo idlaadey guul darada ayaa labada dhinac isku mariwaayeen Qodobo dhowra oo ay kamid yihiin.

1- Arimaha Jubooyinka oo Puntland soo jeedisey in uu Madaxweynuhu taageero sharuud la’aan maadaamada ay Dastuuri tahay.
2- Qodobo Datuurka Federaalka ah oo la ogaadey in wax laga badalay ama la damacsan yahay in wax laga badalo oo Puntland ku tilmaantey Khiyaano qaran, iyo in deg deg wax looga qabto, Dowlada Federaalku way dafirtey eedeyntaas lakiin hadana gadaal ayay iska badaleen oo cadeeyeen iney wax ka jiraan warkaas.

3- Shirka London oo la isku fahmi waayey ajandayaasha lala tagayo, qolaba waxbay ku! lskiin Xasan Sheikh wuxuu ku adkeystey ajandaha uu isagu wato.

Qodobadaan oo ah kuwo Howlwadeenada Puntlandi si hoose u heleen waa kuwa lagu kala boodey inkastoo ay dhici karto in qodobo kale jiraa.

Shirkii u dambeeyey ee Galabta dhexmaray Puntland iyo DF waa lagu kala kacay iyadoo dhinaca Federaalka xanaaq ka muuqdo.

Wafdigii Madaxweynaha booqashadoodii saas bay kusoo dhamaatey waxayna hada kusii jeedaan Muqdisho oo ay u duuleen.
Faahfaahin buuxda goor dhow ayaan idiin soo gudbineynaa.