Abaarso School of Science and Technology Waxa ay Dadka Ogsiinayaan Xaflada Qalin Jabinta ee MB-Aga

Abriil 27 2013 waxa Abaarso ka qalin jabiyey fasalkii ugu danbeeyey ee MBAga. Ardaydii ka qalin jabisey 4 waxa ay qaateen shahaadada MBAga 9 na waxa ay qaateen Post-Graduate Business Adminstration Diploma. Xafladii qalin jabinta waxa ka qayb qaatay Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Waxbarashada Cali Xamuud, arday ka mid ah ardaydii ka qalin jabisay Abaarso Muniir Abusite, iyo Maamulaha Abaarso Jonathan Starr.

Ardaydii ka qalin jabisey MBAga waa ardaydii ugu danbeysay ee ka qalin jabisa Jaamacada Abaarso ee ATU (Abaarso Tech University) sababta oo ah Abaarso waxa ay joojinaysaa jaamacada si ay ugu dadaalaan wanaajinta boodhin iskuulka Abaarso. Secondary iskuulka Abaarso waxa uu ardayda u helay iskoolarshibyo jaamacadeed iyo boodhin iskuulo ba ah oo ilaa 2 million oo doolar lagu qiimeeyey. Abaarso waxa ay imika bilaabaysaa fasal Grade 7 ah oo cusub. Si howlaha iyo weyneynta Abaarso loo maamulo, maamulayaasha Abaarso waxa ay gaadheen in aanay suurto gal ahayn in ay wadaan jaamacada Hargeisa ku taalay. Maadaama aanay Abaarso jaamacad ku lahayn Hargeisa waxa ay rajeynayaan inay caawimo siiyaan jaamcadaha ku yaala wadanka.

Maamulaha Abaarso Jonathan Starr wuxuu yidhi, “Waxaanu ku faraxsanahay 3 sano ee aanu jaamacada ATU wadnay, sida aanu ugu faraxsanahay ardayda iyo macaliimintii naga la qayb gashay abaabulida ATU. Macaliimiinta Abaarso ee ay ka mid yihiin Michael Freund iyo Ava Ramberg oo ka shaqeeya secondaryga ayaa hadana Hargeisa iman jiray todobaad kasta si ay wax u dhigaan. Waxaanu ogsoonahay oo aanu rajeyneynaa in ay Abaarso jiri doonto mustaqbalka fog iyo in ay xasuus midnaato ATU wakhtigaas. Hanbalyo ayaanu ku leenahay ardaydii qalin jabisey oo dhan.”

Ardayda Qaadatay Shahaadada MBAga:

Abdirahman Osman (High Honors)

Ayaan Mahdi

Omar Sheikh Abdilahi

Zamzam Ahmed Hassan

Ardayda Qaadatay Shahaadada Post-Graduate Business Adminstration Diploma:

Aden Mohamed Warsame

Aden Abdillahi Ibrahim

Amran Ali Mahamoud

Eng. Ahmed Ibrahim Ali

JibrilNuhEgel

Khadar Mohamed Iman

Mohamed Abdi Ahmed

Mohamed Hamoud Aden

Muse AbdiIsmaciil

 

Salaanmedia/Hargaysa