Abwaan Hadraawi oo abaal-Marin Caalami Ah La Gudoonsiiyey. (Daawo Sawirro

hadraawi1

Hargeys(Ramaas) April 18, 2013-Waxa caawa Magaalada Hargeysa  Abaal-Marin caalami ah lagu gudoonsiiyay Abwaanka Wey nee Soomaaliyeed Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi, Abaal marintaas oo uu bixinaayay Safiirka Dalka Holand u fadhiya Kenya, Somaliya iyo Somaliland Joost Reintjes waxaanuu Safiirku wakiil ka ahaa ama matalaayey Boqoradda Dalka Holand Prince Clouse oo iyadu bixisa Billad Sharafeedkan Sannad walba.

Xafladda  gudoonsiinta oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxay ka dhacday Hotel ka weyn ee Ambassador. Waxa xafladdan ka soo qeyb galay mas’uuliyiin ka kala socota saddexda gole qaran, Abwaanno, Aqoonyahanno ,wufuud caalami ah iy Marti sharaf kale.

Waxa ugu horeynba halkaas ka hadashay Wasiirka waxbarashada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan oo iyadu ku hadlaysey Afka Xukuumadda, Marwo Samsam waxay uga mahad celisay Boqoradda dalka Holand Abaal-marintan Caalamiga ah ee ay ku maamuustay Abwaan Hadraawi iyada oo sheegtay inuu Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi)  kaalin mug weyn leh kaga jiro Suugaanta Dadka Afsoomaaliga ku hadla oo dhan. Marwo Samsam ayaa sheegtay iney iyaga Dawlad ahaan ay ku wacneyd iney abbaal mariyaan Abwaan Hadraawi balse ay aad iyo aad u soo dhaweyneyso Abaal marinta ay Dawladda Holand siisay Hadraawi.