Afhayeenka Gobolka Saaxil Ee Xisbiga Ucid oo ka hadalay Xaalada Laydhka Berbera.

Af hayeenka xisbiga Ucid ee gobolka saaxil Botaan Guleed Axmed ayaa shir jaa,id oo ku qabtay magaalada berbera waxa uu kaga waramay xaalada laydhka magaalada berbera ,isga oo si gaar ah farta ugu fiiqay wasaarada hawlaha guud iyo guryaynta hoos geeyay wakalaada xooga korontada ee berbera ,afhayeenka xisbiga u cid waxa uu ka waramay ,laydhka magaalada berbera oo qiimaha laga qaado shacabka berbera ,Halka yunid $0.9 mr bootan waxa uu xukumada Somaliland ku dhaliilay in wakhtigii ololaha doorashada madaxtooyada,

shacabka berbera u balan qaadeen in magaalada berbera ay waxa u qaban doonaan arimmaha laydhka oo markaa qiimaha la qaadi jiray ahaa halka yunid $0.7 balse arintaa badalkeedu wuxuu noqday in qiimo korodh lagu sameeyo laydhkii ,waxa kale oo waliba intaa dheer in maamulkii warshada laydhka oo wakhtigii hore maamuli jireen ,maamulka jooga xafiiska berbera oo u madax banaanayeen wixii maamul ah ,balse iminka waxa ay wakaaladu hoos tagtaa wasaarada hawlaha guud iyo gurayaynta ,taasina waxay idin tusaysaa in aanay jirin waxa siyaasada cad ah oo loo loogu talo galay laydhka berbera ,

iyadoo xiligan berbera ay ku soo began yihiin wakhtiga kulayle ah ,dadka ku nool berbera ay ,meheradaha ganacsiga ay u baahan yihiin laydh jaban ,si noloshooda ay ugu kafeeyaan ,cidii u baahan inay xog rasmiya ka helaan nolosha berbera ee ah laydhka ,waxaan idiin sheegaya in aad gaadhi soo kaxaysto oo magalaada berbera ku soo wareego ,meheradaha u waydiiyo barafka yar,yare e la xidhxidho ama aad waydiiso Askiriin qabow , oo iib ah lama soo heli karo

Hadii la soo helo waxa la heli karaa ,meherad laydh keedu bilaash yahay oo lacag laga qaadin ,in kastoo meherdahasina yihiin ,meherado iska kooban “

Waxay is waydiinu tahay qofka ku nool meel kulayle ah imisa yunit oo daba ayaa kafay kara noloshiisa su,aasha jawaabteeda waxay reer berbera si gaara uga sugayaan wasiirka wasaarada maaliyada cabdicaiis samale oo sharaxay yunidka iyo qiimaha ay ku istaahisho in la qaado waxaanu ka sharaxay wakhtigii uu socday oloha doorashad madaxtooyada,isga oo berbera u balan qaday inay helayso laydh qiimahiisu jaban yahay ,waxaanu wakhtigaa ahaa xildhibaan baarlamaanka ah ,nasiib wanaag maantana waa wasiirka maaliyada oo kordhinta iyo qiimo jabintaba xukuma sharci ahaan ,waxaan wasiirka leeyahay wasriir ka dhabee balan qaad kaagi ,codkii dheerana waa la hayaa ee shacabka berbera kula hadashay

Waxaan jirin qorshe cad oo wasaarada hawlaha guud iyo guryaynta u talo gashay laydhka iyo xukumadatoona “

Afayeenka Gobolka Saaxil Ee Xisbiga Ucid

Md Botaan Guuled Axmed

Â