Al-shabaab Oo Sheegtay Inay Xafiiska Madaxwaynaha Somaliya Ka Heshay Dhukumanti Sir Ah, Kuna Hanjabtay Inay Baahinayso

April 4, 2013 |

Muqdisho (SM)– Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay inuu soo gaadhay dhukumanti sir ah, kaasi oo ay sheegeen in laga helay xafiiska Madaxwaynaha Somaliya.

 images

Al-shabaab waxay sheegtay in dhukumantigan looga keenay Xafiiska Madaxwaynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isla-markaana agtooda qiimayn ku leeyahay.

Qoraal ay maanta Al-shabaab baahisay ayaanay ku faahfaahin waxa sirtaasi tahay, balse waxay sheegtay inuu yahay dhukumanti gaar ah oo xambaarsan macluumaad ku saabsan arimo sirdoon iyo qorshayaal ay sheegeen in la doonayo in laga fuliyo gudaha dalka Somaliya.

Kooxda Al-shabaab oo bidhaamisay xogta ku duugan dhukumantiga sirta ah ee ay ka heleen Xafiiska Madaxwaynaha Somaliya ayaa sheegtay inuu yahay qoraalo ay is-dhaafsadeen dalalka Carabta, kuwaasi oo ay sheegeen in Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud lagaga dalbanayo inuu dad ay dalalkaasi soo xusheen jagooyin muhiim ah looga Magacaabo dawladda Somaliya, siiba laamaha sirdoonka ee dalka Somaliya.

Al-shabaab, oo dagaal kula jirta dawladda Somalia, waxay ku hanjabtay inay dhukumantigan ku baahin doonto boggeeda Internet-ka ee TWITTER-ka, si bulshada Somaliyeed ula socdaan daacad darada Madaxwaynaha Somaliya iyo sida uu u khiyaamaynayo.

Salaanmedia