Ardayda Jaamacada Camuud Oo Su’aalo siyaasiya weydiiyay Guddoomiyaha UCID

Ardayda Jaamacada Camuud Oo Su’aalo siyaasiya weydiiyay Guddoomiyaha UCID

April 30th, 2013 

Hargeysa (SM)- Eng. Faysal Cali Waraabe, Gudoomiyha Xisbiga Mucaaradka Ah ee UCID, ayaa maanta markii uu soo gaadhay magaalada Boorama waxa uu ugu horayntiiba booqday Jaamacadda Camuud halkaasi oo uu kulan balaadhan o su’aalo badan lagu waydiiyay uu kula yeeshay ardada Jaamacadda Camuud.

Kulankan oo ay ka soo qaybgaleen maamulka Jaamacadda Camuud, ayaa waxa ugu horayntii ka hadlay Hormuudka Xafiiska Arimaha Ardaya Prof Maxamed Maxamuud Jamac Diiriye, waxana uu soo dhaweeyay Eng. Faysal isaga oo carabka ku dhuftay in ardayda looga baahan yahay inay wax ka ogaadaan xaalka dalka uu maantu marayo iyaga ii ka faaiidaysanaya kulanada noocan oo kale ah ee ay qabtaan haldoorka bulshadu.

Gudoomiyha Jaamacadda Camuud, Prof. Saleebaan Axmed Guuleed, oo isaguna ka hadalay kulankan aya Eng. Faysal uga sheekeeyay hanaqaadka Jaamacadda Camuud ee mudadii uu ka maqnaa, waxana uu carabka ku dhuftay in hormarkaasi uu yahay mid dhinacyo badan taabanaya, isaga oo si diiran u xusay in ardayda maanta soo hor fadhida ay ka kala yimaadeen gobolada Somaliland oo dhan iyo meelo fogfog oo gayiga Soomaalida ah.

Prof Saleebaan waxa sidoo kale uu u sheegay ardayda Jaamacadda Camuud in Eng. Faysal Cali Waraabe uu yahay muwaadin reer Boorama ah, isla markaana saaxiib dhow la ah Jaamacadda Camuud, Waa nin qadiyada ardayda iyo mida Somaliland si cad oo aan gabasho lahayn uga hadla, waa nin runta ku caan ah oo aanan ka gaban waxa uu sheegayo siday doonaanba ha ahaadaane, isaga oo inta badan runta ka hadala una hadla wax badan qadiyada qaranimada iyo mida dhalinyarta oo dhinacyo badan taabanaysa ayuu yidhi Prof. Saleebaan.

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa la hadalay boqolaal ardayda Jaamacadda Camuud ah ayaa halkaasi ka soo jeediyay khudbad waqti dheer qaadatay oo dhinacyo badan ka taabanaysay, xaalka dhalinta ee maanta ee dhinacyada shaqo abuurka, la dagaalanka tahriibta iyo kobcinta waxbarashada oo ay ku lamaanayd sidii ay dhalintu uga qayb qaadan lahaayeen adkaynta nabada guud ee Somaliland.

Eng. Faysal waxa kale oo uu uga waramay arday saaxda siyaasada ee dalka waxa ku cusub, isaga oo warbixintiisaasi ku xusay guulahii laga gaadhay shirkii ANKARA, iyo sidoo kale waxa ay Somaliland ku diiday shirka LONDON, waxana uu ardayda u bayaamiyay in qadiyada Somaliland ay maanta meel wanaagsan marayso, isaga oo aan meesha ka reebin inay jiraan goldaloolooyin badan oo ay leedahay xukuumada talada haysa loona baahan yahay in la saxo.

Eng. Faysal ayaa waxa intii uu kulankaasi socday halkaasi ay qaar kamid ah ardayda Jaamacadda Camuud su’aalo dhinacyo

badan taabanaya wadiisay, kuwaasi oo soo koobay gabi ahaanba dhinacyada siyaasada, dhaqanka iyo waliba shaqsiyadiisa.

Salaanmedia/Boorama