Badhasaabka Maroodi-Jeex Oo Baaq U direy shacabka Reer Hargeysa

April 20th, 2013 Comments Off

Hargaysa (SM):-Badhasaabka Gobolka Maroodi Jeex Maxamed maxamuud Cali Jeeno yare ayaa sheegay in ciidanka boolisku gacanta ku soo dhigeen dhalinyaro habeenkii dhibaato ku hayay shacbiga ku dhaqan magaalada Hargeysa oo koox kooxa.

Badhasaabka oo shalay saxaafadda kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa ciidanka booliska ku hambalyeeyay hawlgalo xiliyada habeenkii ay ka sameeyaan magaalada Hargeysa, waxana uu tilmaamay in aanay jirin wax dhibaato ah oo haatan ka taagan magaalada Hargeysa.

isagoo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “shaqadan aad arkaysaan waa tii bilayska oo ay laban laabayaan shaqadoodii dadaalkii ay mar walba gudanayeen kor ayaan waajbkoodii gudanaya. Markaa wax dhibaato oo nagu soo kordhay hadeerto ma jiraan. ciidanka booliska waan ugu hambalyaynayaa dadaalka arrintaa ka sameeyeen dhalinyaradii yar yarayd ee rabshadaha kala duwan samaynaysay xaafad xaafad iskulaynayay talaabooyinkii ugu haboonaa ayaa ciidanka boolisku ka qaaday”.

Badhasaabka Maroodi Jeex ayaa ciidamada booliska ku hambalyeeyay wax ka qabashada arrintan, waxanu tilmaamay in dhalinyaradaasi wixii danbi lagu helo in sharciga la hor keeni doono. waxaanu yidhi “ Wixii la qabto nidaamka sharciga ah baa la mariyaa, booliskuna isku dhaafiyaa maxkamadaha markaa waxay noqdaan wax xukun ku dhaco iyo wax xukun gaabani ku dhaco iyo wax la siidaayo. Markaa waan ugu hambalyayanayaa ciidanka booliska talaabada ay qaadeen iyo nidaamka guud ee ay wadaan ee nabadgalyada lagu sugayo Ilaahayna waxaan ka baryayaa iyaga iyo ciidamada kale ee hawlaha u xil saaran inay guulaystaan shacbiguna gacan ku siiyo mar walba ayaan ugu baaqayaa ayuu yidhi badhasaabku”.
Badhasaabka ayaa shacbiga magaalada Hargeysa u soo jeediyay in gacan ku siiyaan ciidamada amaanka hawlgalada ay amaanka ku sugayaan.

Salaanmedia/Hargaysa